Mas‘uuliyiinta sare ee Al-Shabaab oo is-khilaafay iyo Mukhtaar Roobow oo maleeshiyaadkiisa kala baxay magaalada Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaa in muddo ahba ka dhex aloosnaa Mas‘uuliyiinta sare ee Al-Shabaab oo isku maandhaafay arrimaha kala geddisan ee la xiriira habka hoggoominta Xarakada Al-Shabaab, hase ahaatee haatan ay cirka isku shareeray kadib markii ay hay`adaha gar-gaarka (gaalada) u fasaxeen in ay ka howl-galaan deeganada ay gacanta ku hayaan.

Mukhtaar Roobow oo ka mid ah saraakiisha ugu sareysa Al-Shabaab ayay wararku sheegayaan in maleeshiyadiisa uu kala baxay magaalada Muqdisho, sababo la xiriira is-maandhaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxa kooxdaasi Axmed Godane oo ku aadan gar-gaar hay`adaha gaalada geeyeen magaalada Baydhabo.

Kulan  uu Mukhtaar Roobow la qaatay dhawaan odayaasha qabaa’ilka  Bay iyo Bakool ayay odayaashu ku eedeeyeen madaxa Al-Shabaab Axmed Godane in uusan dan ka laheyn shacabka gobolada Bay iyo Bakool oo ay abaaruhu sida ba`an u saameeyeen, waxayna ugu baaqeen Mukhtaar Roobow in uu xiriirka u jaro Godane, dhamaan maleeshiyadiisana kala soo boxo Muqdisho.

Sidoo kale Khilaafka Axmed Godane iyo Roobow oo soo kala dhex galeen Sh. Xasan Daahir Aweys iyo masuuliyiin kale oo Shabaabka ka tirsan ayaanan wax natiijo ah laga gaarin.

Balse maalin kadib markii hay`adaha gar-gaarka Al-Shabaab u fasaxeen deegaanada ay gacanta ku hayaan ayaa waxaa uu soo diray Axmed Godane cajal maqal ah kaas oo uu si dadban ugu diidan yahay go`aanka Al-Shabaab ku fasaxeen hay`adaha gar-gaarka, waxaana uu sheegay in madaxda Al-Shabaab qaarkood ay qorsheysanayaan in ay gobolada ay joogaan goostaan.

Ragga dhex-dhexaadinta ka dhex wada Roobow iyo Godane ayaa ku maslaxeeyay Roobow in ay wax u qabanayaan shacabka Bay iyo Bakool oo ay baaruhu sida xun ugu dhifatay.

Hadal lagu soo duubay Cajal ayuu Axmed Godane u soo diray qaar ka mid ah Madaxda Al-Shabaab, wuxuuna ugu hadlay Cajaladdaas khilaafka kooxdiisa ka dhex oogay ayaa sii cakiray marxaladda ka dhex taagan kooxda Al-Shabaab, sida ay calanka u xaqiijigeen xubno ku dhow-dhow madaxda kooxdaasi.

Si kasta ha ahaatee warkan ayaa laga soo xigtay horjoogayaal ka tirsan Meleeshiyada Roobow, hase yeeshee ma ahan markii ugu horeysay oo ay madaxda kooxda Al-Shabaab is khilaafaan, gaar ahaan Mukhtaar Roobow iyo Axmed Godane.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: