Madaxda sare ee dowladda KMG Soomaaliya oo isku Khilaafsan magacaabista golaha wasiirada cusub.

undefinedHalkaan ka akhri

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay  ku dhow-dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in khilaaf cusub oo u dhaxeeyay Madaxda sare ee Dowladda KMG Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka, ayaa la sheegaya inuu isu soo taraya, kaddib markii ay isku mari waayeen xulista Golaha Wasiirada cusub, oo Shariif Xasan uu doonayo inuu qayb Libaax ka qaato  in loo magacaabo shaqsiyaad uu isagu wato Wasaarado Muhim ah.

Ra’iisal Wasaare C/Weli Maxamed Cali ayaa lagu soo warramayaa in arrintaas si weyn uga horjeestay, kadib markii uu xalay dhex maray Madaxda Sare dowladda  shir saddex geesood ahaa oo la sheegay inuu Ra’iisal Wasaaruhu isaga soo baxay, waxaana la sheegay inuu iska casilayo, haddii aan faragelinta lagu hayo howlihiisa si dhaqsi leh loo joojin.

Sidoo kale ilo-wareedyada laga  helaaya Madaxtooyada ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare C/Weli uu u sheegay Shariif Xasan in Dowladani tahay 4.5, isla markaana uu isagu iska leeyahay isagoo raacaya qaabkaas inuu u fuliyo howsha.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka KMG ah Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa la sheegayaa inuu garowsaday hadalka Ra’iisal Wasaaraha ee ku saabsan inuusan marnaba ka hadlin Wasaaradaha la siinayo beelaha kale, hase yeeshee Shariif Xasan uu xaq u leeyahay inuu beeshiisa Digil iyo Mirifle uu soo xulo.

Haddaba iyadoo saddexda mas’uul ee ugu sareysay ay xalay wadahadal gaar ah oo qaatay saacado badan yeesheen, isla markaana la isku afgartay in maanta lagu dhawaaqo xukuumadda, ayaa waxaa soo baxay Shariif Xasan Sh. Aadan oo isagu soo istaagay in la siiyo Wasaaradda Maaliyadda, isagoona sida muuqata Wasaarado kalena sheegay in la kala wareejiyo.

Sidaas darteed hadalkaas waxaa aad uga carooday Ra’iisal Wasaare C/Weli Maxamed Cali oo uu doonayo in inta badan Golihii Wasiirada Dowladda Farmaajo ay sii shaqeeyaan, bacdamaa sida uu sheegay mudadii ay howsha hayeen ay soo qabteen howlo waxtar leh.

Hase yeeshee lama oga xilliga lagu dhawaaqayo Golaha Wasiirada cusub, iyadoo Madaxweyne Shariif Sh. Axmed an la ogeyn tallaabada u qorsheysan, haddii lagu guul darreysto ku dhawaaqista Golaha Wasiirada cusub.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: