Advertisements

Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo sheegay inaysan jirin way dagaal ah oo ka dhacay Gobolka.

undefinedHalkaan ka akhri

Maamulka gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in dagaal toos ah  uu ka dhicin magaalada Balad Xaawo Xarakada Al-Shabaab ay magaalada ku soo  garaaceen madaafiic.

Goddmiyaha gobolka Gedo oo Warbaahinta la xiriirnay ayaa sheegay inysan jirin wax dagaal ah oo ku dhaxmaray  magaalada Balad Xaawo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyada kooxda Al-Shabaab,wuxuuna tilmaamay in dhoor Hoobiye ay ku soo tureen meel magaalada banaankeeda ah kaddibna ay carareen.

Guddoomiye  Waxa uu tilmaamay in ay Shabaab bur bureen oo aysan awoodin in ay si toos ah weerar ugu soo qaadaan ciidamada dowladda Soomaaliya, isagoo farta ku fiiqay in ay hada ay ku daba juraan kooxihii xalay magaalada madaafiicda ku soo tuuray islamarkaana ay tilaabo ka qaadi doonaan.

Maxamed Cabdi Kaliil Kaliil ayaa caddeeyey in aysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay madaafiicda ay Shabaab soo tureen magaalda Belad.Xaawo, hase ahaatee xaalada hada ay tahay mid dagan.

SomaliSwiss        Garbahaarey

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: