Advertisements

Gobolada Jubooyinka oo la sheegay in laga dareemay hoos u dhac ku yimid qiimaha Xoolaha.

undefinedHalkaan ka akhri

War uu noo soo diray Wakiilka SomaliSwiss ee gobolada Jubbooyinka ayaa sheegaya in uu hoos u dhac ku yimid qiimaha lakala siisto xoolaha, taasi oo ay xoolo dhaqatada ku micneeyeen abaaraha baahsan ee ka jira gobolada dalka Soomaaliya darteed.

Wakiilkeennu wuxuu intaa uu ku daray in gobolada Jubooyinka ay xiligan ka jirto hoos u dhac wayn oo ku yimid qiimaha lakala siisto xoolaha nool ee Suuqyada gobolada Jubada dhexe iyo Jubada Hoose sida Geela, Ariga iyo Lo’da, taasi oo loo sababaynayo  abaaraha xiligan ka jira inta badan gobolada dalka Soomaaliya.

Sidoo kale ganacsatada Xoolaha ee Magaalada Kismaayo qaarkood oo warbaahinta wareysi siiyeen ayaa waxay sheegeen in qiimaha la iibiyo Xoolaha iminka iyo markii hore uu farqi wayn u dhaxeeyo maadaama ay tilmaameen ganacsatada in marka laga hadlayo qiimaha geela oo Lo’da iyo Ariga ka qiimo badan uu markii hore ahaa inka badan 11-Milayn oo shilin Soomaali ah  balse haatan la iibiniyo qiimo ka yar 8-Milyan oo shilin Soomaali ah.

Ganacsatada ayaa waxaa ay arimahaasi oo dhan ku sababeeyeen abaaraha baahsan ee xiligaani ka jira gobolada dalka Soomaaliya, iyagoo tilmaamay in aysan arkin abid hoos u dhac sidaani oo kale ugu yimid qiimaha la iibiyo Xoolaha suuqyada goboladaasi.

Hase yeeshee waxaa sidoo kale ay ganacsatada Hilibka ee Suuqyada Magaalada Muqdisho ay cabasho ka muujinayeen hoos u dhac ku yimid qiimaha hilibka xoolaha, waxaana ay tilmaameen in taasi ay sabab u tahay abaaraha ka jira gobolada Soomaaliya.

SomaliSwiss     Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: