Advertisements

Dawlada Jarmalka oo sheegtay in Barnaamijka cunada aduunka ee WFP ay ku wareejinayso lacag ay ku taageereyso dadka Somaaliyeed.

undefinedHalkaan ka akhri

War ka soo baxay Wasaarada arimaha dibada iyo horumarinta dalka Jarmalka ayaa lagu sheegay in dowladda Jarmalka ay bixineeyso cadad lacageed oo gaaraya Shan Malyan oo Yuuro ah una dhiganta 7 Malyan oo dollarka Mareeykanka.

Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in lacagtaasi ay dowladda Jarmalka ku wareejineeyso Hay’ada QM u qaabilsan Barnaamijka cunada aduunka ee WFP waxaa la tilmaamay Jarmalka in lacagtaasi uu ugu tala galay sidii loogu gar gaari lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen eek u sugan dalka Soomaaliya iyo kuwa qaxootiga ku ah dalalka Soo0maaliya dariska la ah.

Sidoo kale warkaan ka soo baxay Wasaarada arimaha dibada iyo horumarka dalka Jarmalka ayaa waxaa lagu qeexay in lacagta lagu gargaarayo dadka Soomaaliyeed lagu wareejinayo Hay’ada WFP caruurta iyo haweenka Soomaalida ee abaarta ka soo cararay kuwaas oo la sheegay in ay yihiin tirade ugu badan ee ku barakacay gudaha Soomaaliya iyo kuwa qaxootiga ku ah dalalka Soomaaliya xuduuda la wadaagto.

Waxay kaloo Wasaarada arimaha dibada Jarmalka ay sheegtay in tiro badan oo Soomaali ah in ay qaxooti ku yihiin dalalka Kenya,Ethopia,Jabuuti loona bahan yahay dalalka kale ee ka tirsan Midoowga Yurub in ay deeqo lacageed ay ku wareejiyaan Hay’ada WFP si loo bad baadiyo dadka ku dhibaateeysan Geeska Afrika.

SomaliSwiss       Berlin

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: