Advertisements

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ugu baaqay Madaxda dowladda Soomaaliya inay muujiyaan wada shaqeyn..

undefinedHalkaan ka akhri

Qaramada M idoobay ayaa ku amaantay madaxda Soomaaliya Sida ay u fuliyeen heshiiskii magaalada Kampala ay ku gaareen ayadoo dhanka kalena ay ka Qaramada Midoobay dhaxaysa ku bogaadisay hay,adaha Dowladda inay sii wadaan wadashaqeynta ay hada muujiyeen.

Xafiiska ergayga gaarka ah ee  Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Augustine Mihiga  ayaa waxaa ka soo baxay Warsaxaafadeed oo qoraal ah oo lagu ammaanay Madaxwayanaha dowladda KMG ah iyo guddoomiyaha Baarlamaanka iyo waliba mudayaasha Barlamaanka Soomaaliya fulintii ay fuliyeen qodobadii shikii  Kampala, waxaana si aad ah loogu mahadceliyey sida wanaagsan ee ay ugu soo baxeen balan qaadkii ku salaysnaa shirkii Kamapala ayaa lagu caddeeyey warsaxaafadeedkaas.

Waxaa kaloo lagu xusay warsaxaafadeedkaas in la dhamaystiro inta ka hartay heshiiskii la wada gaaray oo marka Xukuumadda uu R/wasaaraha soo magcaabo si dhaqsi leh loo ansixiyo, in aanu imaan waxa khilaaf ah muddada KMG ah si loo gaaro hadafkii la lahaa ayaa lagu yiri war saxaafadeed Dr. Augustine.

Hase yeeshee Xafiiska siyaasadda Soomaaliya ee Qaramada Midoobay wuxuu wada shaqayn wagaansag la sameenayaa dhamaan madaxda Soomaalida si looga caawiyo waxayaabaha ay u baahan yihiin ayaa lagu sheegay was saxaafadeeda  ka soo baxay xasiifka Augustine Mahiga.

Si kasta ha ahaatee  Qaramada M idoobay waxay baaq u dirtay madaxda dowladda Soomaaliya kaasi oo ah in ay wada shaqeeyaan dhamaan hay’adaha dowladda.

SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: