Advertisements

Dekha Ibrahim oo ahayd Halyeyada Gobollada Bariga Kenya oo shalay ku geeriyootay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

HOOS KA DAAWO VIDEO

undefinedHalkaan ka akhri

Dekha Ibrahim Abdi oo ahayd gabar Soomaaliyeed oo ka soo jeedo Soomaalida degta Bariga Kenya  ee NFD  ayaa ku geeriyootay magaalada Nairobi maalintii Khamiista ahayd ee ay taariikhduna ay ahayd 14/07/2011ka , kadib markii toddobaad ka hore ay la kulantay shil baabuur  oo ay  isku dhaceen  Baabuur kale  iyo Gaadiidkii ay wateen iyada Seyigeeda iyo darawalkooda.

 Goobtii shilka ka dhacay  oo u dhaxaysay Magaalada Mombasa iyo magaalada Garissa ayaa waxaa ku dhintay Deekha Ninkeeda  iyo Darawalkooda, balse Dekha ayaa dhaawac halis ah ka soo gaaray, loona soo cararay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Marxuunada  Dekha Ibrahim Abdi ayaa ahayd Gabadha keliya Astaan nabadeed u noqotay dalka Kenya, sidoo kale Dekha waxay ahayd gabar Wadamafa Caalamka u aqoonsaday inay Ka mid tahay Halyeyada Nabadda Afrika, waxayna arrintaas ku muteysatay Bilad loogu magaca daray , Right Livelihood Award   Laureate and global peacemaker oo ay qaadatay 2007ka.

Safiriika Sweden u fadhiya dalka Kenya  ayaa sheegay in Marxuumad Dekha ay ka dhamin oo keliya dadka Ehelkeeda balse Dekha Ibrahim ay ka geeriyootay dadyowga jecel nabadda ee Saaxiibka la ahayd.

Deekha waxay ka mid ahayd hoggaamiyaasha nabad dhisayaasha dalkeeda, taasoo ay ku muteysatay aqoonsiyo kala duwan, iyadoo si gaar ah isaga xil-saartay  xallinta isku horimaadyada Qabaa’ilka iyo dadka kala diimaha ah ee ku dhaqan dalka Kenya.

Dhanka kale Dekha waxay Xiriir la lahayd Ururro iyo NGO kala duwan oo ku kala baahsan Caalamka, gaar ahaan Qaaradaha Afrika iyo Yurub, sidaas darteed Dekha waxay dalkan Switzerland ay xiriir toos ah la lahayd Ururka Rajo oo ah Urur Nabadeed ku  howl-gela  gudaha dalka Swisska.

Hase yeeshee Ururka Rajo waxay Tacsi u dirayaan dhammaan Ehelladii iyo Axsaabtii ay lahayd marxuumad Dekha Ibrahim meel kasta ay joogaan inuu samir iyo Iimaan ka siiyo, waxaan iyaduna uga baryeen alle inuu jannadiis ka waraabsho. Aamiin  Aamiin Aamiin.

SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: