Advertisements

Dawlada Kenya oo doonaysa in Qaxootiga faraha badan ee ku qul qulaaya gudaha Dalkeeda ay dib ugu soo rarto Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Kaaliyaha wasiirka arrimaha gudaha Dawlada Kenya Orwa Ojodeh ayaa sheegay in dowladdiisu ay doonayso inay dalkeeda ka soo rarto qaxootiga faraha badan ee Soomaalida ah ee waayihii dambe ku qul qulayaya dalkaasi xeryaha ku yaala.

Mr. Orwa Ojodeh oo la hadlay warbaahinta dalkaasi ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay dib ugu soo rarayaan qaxootiga Soomaalida gudaha Soomaaliya waxaana uu sheegay in qorshahaas uu hadda bilawday.

Sidoo kale Kaaliyaha wasiirka wuxuu sheegay in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerada Dhadhaab ay ka soo rari doonaan qaxootiga Soomaalida ah eek u jira waxaana uu xusay inay u soo rarayaan meel 4 km gudaha Soomaaliya ah.

Mas’uulkaan ayaa tilmaamay in dadka tirada badan ee qaxootiga ah ee Soomaaliya ka imaanaya ay  dhibaato ku yihiin amaanka dalka Kenya, waxaase uu hoosta ka xariiqay in si taasi looga gudbo ay dajiyeen qorshe dhameystiran oo ay
qaxootiga dib ugu soo celinayaan dalkooda.

Orwa Ojodeh oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Xaaladda Soomaaliya hadda waa ay dagan tahay kamana jiraan wax amaan xumo ah dadkaana waxay kasoo cararayaan waa abaaraha dalka ka jira haddii wadankooda lagu gar gaaro ma jirto sabab keenaysa inay Kenya
yimaadaan” wuxuuna intaa uu raaciyey in dadka tagaya xeryaha qaxootiga Kenya ay u baahan yihiin in la hubiyo amankooda taas oo uu sheegay inuu jiro walaac ah in falal amni xumo dhacaan.

Sidoo kale mas’uulkan wuxuu cabsi xooggan ka muujiyey dadka ku soo qulqulaayo dalkiisa wuxuuna yiririhadalkiisa“Hadda ma hubno dadkaan waxa ay yihiin inay shacab yihiin iyo inay argagixiyaal yihiin mana doonayno inaan fursad siino kuwa Al-Qacida xiriirka la leh”.

Dhanka kale Mr Ojodeh ayaa xusay inay hay’adda qaxootiga u qabilsan Q,M ee UNHCR ay kala hadleen inay qaxootiga ay ku gar gaarto xaduuda Soomaaliya isla markaana ay wada shaqeyn la sameysato hay’adaha aan dawliga aheyn ee Soomaaliya ka jira si dadkaasi u suurto gasho in gudaha Soomaaliya raashin lagu siiyo taasoo uu sheegay inay ka aqbaleen.

Hase yeeshee Dowladda Kenya ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay dalkeeda ka furayso xero kale oo loogu magic daray IFO2 kadib markii hay’adaha gar gaarku ka codsasdeen lamase oga sababta keentay in Kenya walaac ka muujiso halis kaga imaan karta qxootiga Soomaaliyeed.

SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: