Advertisements

Kooxda xiriirka caalamiga ee arrimaha Soomaaliya oo ka wada hadlay dhibaatada kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ay ku hayaan Caalamka.

undefinedHalkaan ka akhri

Kulan ay ku yeesheen magaalada Singapore ee xarunta dalka Singapore  kooxda xiriirka caalamiga iyo wadamada daneeya arrimaha dalka Soomaaliya ayaa waxay kaga hadleen arrimaha kooxaha burcad badeeda Soomaaliya oo afduub ka geysta biyaha Soomaaliya iyo kuwa ag dhawba.

Kulankaas waxaa  laga akhriyay Bayaan, kaas oo  sheegay in wadamada beesha caalamka ay ku guul-dareysteen wax ka qabashada burcad badeeda Soomaalida oo ay sheegeen inay kuwo sii xoogeysanaya sanadba sanadka ka dambeeya.

La taliye dhinaca siyaasadda ah ee wasaaradda arrimaha dibbadda dalka Singapore Mary Seet-Cheng oo xubni ah gudi gaar ah oo kooxda xiriirka caalamiga ah u qaabilsan arrimaha burcad badeedaayaa  waxay sheegtay inuu jiro dabacsanaan ay muujiyeen wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya iyo wadamada kale ee ay ciidamadu ka joogaan biyaha Soomaaliya sababtana waxay ku sheegtay in tan iyo markii ay ciidamada caalamiga ah hawl ka bilaabeen xeebaha Soomaaliya inay sii kordheen tirada dadka burcad badeeda noqonaya iyo falalka ay geyssanayaan intaba  iskaba daa inay hoos u dhacaane.

“Hawl galka kasto oo la isku dayay in burcad badeeda lagu wiiqo awoodooda dhaqan gal ma noqon sababtana waa habacsanaan aanu sameynay” ayay tiri Mary Seet-Cheng, waxayna intaa ku dartay in sanad walba ay kordhaan tirada gaadiid badeedka u gacan gala burcad badeeda Soomaalia.

Sidoo kale la taliyaha dhanka sharciga ee wasaaradda arrimaha dibbadda dalka Denmark Ambassador Thomas Winkler oo gudigaan ka mid ah ayaa asna xusay in xukuumadiisa y dhawr jeer qaaday tilaabooyin military oo ka dhan ah burcad badeeda Soomaaliya hase ahaatee ay waayeen wax uu ku sheegay wada shaqeyn waxaana uu sidoo kalwe xusay inay ka qeyb qaataan in maxkamad la hor keeno kuwa loo haysto inay burcad badeed yihiin ee la soo qab qabto.

Ambassador Thomas Winkler oo ka hadlayey arrintaas wuxuu yiri: “In ka badan 2 sano ayay ciidamadeenu si toos ah uga hawlgalayaan biyaha Soomaaliya hawl wanaagsanna waa ay qabteen hase ahaatee ay waayeen wada shaqeyn hawl galadeenana waxay noqdeen kuwa wax badan ka badalay hawlaha burcad badeeda”.

Hase yeeshee Burcad badeeda Soomaalida ayaa walaac xoogan ku abuurtay wadamada ay maraakiibtooda maraan biyaha Soomaaliya, sidoo kale burcad badeeduna waxay ku andacoodaan inay biyaha Soomaaliya ka illaaliyaan in si shrci darro ah looga kaluumaysto ama waxyaabo sun ah lagu shubo.

SomaliSwiss      Singapore 

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: