Advertisements

Hay’adda cunnada Aduunka ee WFP oo sheegtay inay wada hadal la galayso xarakadda Al-Shabaab.

undefinedHalkaan ka akhri

War saxafadeed ay soo saartay barnaamijka cunnadda Adduunka ee WFP Ayaa waxaa lagu sheegay in WFP ay wada hadal la galayso Xarakadda Al-Shabab oo gacanta ku haysa qeybo ka mid ah gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

War saxaafadeedkaan ay soo saartay WFP ayaa waxaa lagu sheegay in hay’addu si weyn u danaynayso inay ka hawl bilawdo gobolada ay ka jiraan maamuladda Xarakadda Al-Shabab si loo gar gaaro dadka ku dhibaateysan ee ay abaaruhu saameeyeen.

Warka waxaa lagu xusay in WFP ay diyaar u tahay inay wada hadalo ku aadan hubinta amaanka shaqaalaheeda iyo kuwa kale ee Q,M ay la galayso maamulada Shabab ee ka jira gobolada koofureed ee Soomaaliya oo ah halka ugu badan ee ay abaaruhu sida weyn ugu dhufteen.

“WFP ma joojin doonto hawlaheeda illaa iyo inta ay boqolaal iyo kumanaan ruux la il daran yihiin dhibaatooyin haysta oo ka dhashay abaaraha dalka ka jira una baahan yihiin in la gar gaaro” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ay WFP oo Q,M u qaabilsan dhinaca cunnada soo saartay, waxaana warka lagu tilmaamay inay dalbanayso in la xaqiijiyo amaanka shaqaalaha samafalka ee Q,M.

WFP waxay xustay inay ka shaqeynta gobolada Soomaaliya ee Al-Shabab gacanta ugu jira wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya iyo kuwa kale ee deeqaha bixiya.

WFP ayaa dhawaan sheegtay inay ka fiirsanayso inay ka shaqo bilawdo goobaha Shababku ka taliyaan maadaama uu jiro walaac ay ka qabaan bad qabka shaqaalahooda haddii ay tagaan meelaha Al-Shabab xukumo waxayna hay’addaan ay shaqaalaheeda koofurta Soomaaliya sanadkii hore ee 2010 kadib markii ay Xarakadda Al-Shabab ka mamnuucday.

SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: