Advertisements

Wiil Soomaali ah oo Booliska gobolka Minnesota ay u xireen, kadib markii uu Banki dhac u geystay.

undefinedHalkaan ka akhri

Booliiska magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa xiray wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Xasan Muuse Faarax oo 20-jir ah, kaas oo banki lagu magacaabo (Wells Fargo) ku qasbay shaqaalihiisa in ay siiyaan lacag dhan 50,000 dollar, haddii kale sida lasheegay uu qarxin doono bankiga.

Xasan ayaa la sheegay in Jimcadii lasoo dhaafay uu si xoog ah ku galay bankiga, kadibna uu warqad hanjabaad ah u dhiibay mid kamid ah shaqaalaha, taasoo ay ku qorneyd lacagta kor ku xusan in si deg deg ah lagu siiyo.

Mid kamid ah shaqaalaha bankiga ayaa la sheegay inuu wiilka Soomaaliga ah siiyay 1,805 dollar oo uu markaasi gacanta ku hayay, kadib markii uu lacagta qaatay Xasan ayaa lasheegay in uu fariistay qayb kamid ah gudaha bankiga, isla markaana shaqaalaha bankiga Booliskii ay waceen ay halkaasi ku qabteen isagoo fadhiya.

Xasan Muuse Faarax ayaa la sheegay in uu qorshihiisa ahaa in loo celiyo dalkiisa Soomaaliya, balse aysan cadeyn ujeedada saxda ah ee uu u sameeyay falkan, iyadoo ay boolosku illaa iyo hada baaritaano wadaan.

Waxaa lasheegay in Booliska ay sheegeen in wiilkan lasoo taagi doono maxkamadda, isla markaana uu mudan doono xabsi dheer, marka uu dhameystana loo musaafurin doono Soomaaliya.

Soomaalida ugu badan dalka Mareykanka ayaa ku nool gobolka Minnesota gaar ahaan magaalada Minneapolis, waxaana gobolkaas horay uga dhacay falal kala duwan oo ay sameeyeen Soomaalida ku dhaqan halkaasi.

SomaliSwiss Minnesota

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: