Halkaan ka akhri
Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Q/midoobay u qaabilsan xafiiska siyaasadda Soomaaliya (SRSG) Christian Manhal iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho iyagoo kulamo la qaatay madaxda ugu sareysa dowladda sida Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Sidoo kale Wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa wakiilo ka socday maamulada Puntland iyo Galmudug State waxayna kulamadoodan ku aadanaayeen diyaarinta agendaha iyo qorsheyaasha kale ee shirka wadatashiga ee heerkiisu sareeyo ee la filayo in dalka Soomaaliya lagu qabto, iyadoo ay garwadeen ka tahay dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya isla markaana ay Q/midoobay ka tahay hawl fududeeye.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Ra’iisul Wasaare kuxigeenka  Dowladda KMG Soomaaliya iyo Madaxda wafdigan Mr. Christian Manhal kulamadooda kadib shir jaraa’id oo ay ku qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dhinacyadu ay ka wada hadleen sidii loo dardargelin lahaa agendaha shirka wadatashiga ee heerkiisu sareeyo ee Soomaalida iyo agendayaashiisa iyagoo sheegay inay isla meel dhigeen arrimo badan oo ku aadan shirkaasi.
Hase yeeshee Wakiiladii ka kala socday maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa iyaguna sheegay inay ku faraxsan yihiin inay maanta yimaadaan magaalada Muqdisho ayna kulamo wadatashi ah la yeeshaan madaxda ugu sareysa dowladda taasoo ay sheegeen inay  muhiimad gaar ah u leedahay maamuladooda, waxayna rajo wanaagsan ka muujiyeen qabsoomida shirka oo lagu wado in la qabto bartamaha bisha fooda inagu soo heysa ee Augost.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.