Advertisements

Al-Shabaab oo Baydhabo ku xirxirtay dad Soomaali ah oo u shaqeynayay hay’adaha gargaarka.

undefinedHalkaan ka akhri

Xarrakada Al-shabaab ee magaalada Baydhabo G/ Bay ayaa xalay qabqabtay, una taxaabay xabsiga laba ruux oo ka tirsanaa shaqaalaha hay‘daha gargaarka ee ka howlgala degmada Baydhabo, sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan degmadaas.

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo  ayaa sheegaya in Cali Macallin Black oo ahaa mas’uulkii ammaanka ee hay’adda UNICEF iyo C/risaaq Maxamed Sagaarey oo ka tirsanaa shaqaalaha hay’adda ICRC ay  ciidamada Al-shabaab ay xireen, waxaana la sheegay in raggaas mid mid guriyahooda lagala baxay halka midka kalena laga watay xaruntii uu ka shaqeynayay.

Hase yeeshee Mas’uuliyiinta  Xarrakada Al-shabaab ayaan ka hadlin xariga labadan mas’uul, iyadoo tani ay imaanayso xilli afhayeenka guud ee Al-shabaab Sheekh Cali Dheere uu toddobaadkii hore sheegay in hay’adaha gargaarka ee calaamka ay u fasaxan yihiin inay ka howgelaan gobollada ay ka taliyaan si ay dadka dhibaateysan u caawiyaan.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa  shaqaalaha ka tirsan hay’adaha gargaarka ay weli ku jiraan xabsi ku yaalla Baydhabo,hase ahaatee  aanay jirin dacwad lagu soo oogay, sidoo kalena kama aysan hadlin hay’adihii ay u shaqeynayeen xarigooda.

Degmada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay ayaa waxaa ka howlgala dhowr hay’adood  NGO caalamiga ah iyo kuwa tirsan Qarammada Midoobay, kuwaasoo kaalmeeya dadka ku nool gobollada Bay iyo Bakool.

Sida la wada ogsoon yahay Xarrakada Al-shabaab ayaa horay uga burisay gobollada ay ka taliyaan dhowr hay’adood oo kuwa gargaarka ah, kaddib markii ay ku eedeysay inay faafinayaan Diinta Masiixiga, qaarna ay yihiin Sirdoon.

SomaliSwiss         Baydhabo

SomaliSwiass@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: