Advertisements

Ra’isal wasaaraha dalka Jarmalka Angela Markel oo booqanayso dalka Kenya, kana hadashay abaarta ka jirta dalka Soomaaliya.

https://i2.wp.com/topnews.in/law/files/angela-merkel_2.jpg

 undefinedHalkaan ka akhri

Ra’isal wasaaraha dalka Jarmalka Angela Markel oo booqasho ku joogto dalka Kenya ayaa waxay madaxda Kenya la soo qaaday xaaladda dalka Soomaaliya iyo abaaraha iminka ka jira gobolka oo saameeyay boqollaal kun  oo xoolo dhaqato iyo beeraleey horay u ahaa balse iminka aan waxbad heysanin.

Ra’isal wasaare Angela Markel ayaa hoosta ka xariiqday shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen madaxweynaha dalkan Moi Kibaki sida ay muhiim u tahay in ay beesha caalamka taageero buuxdo la garab istaagto heshiiskii madxda dowladda ee ka dhacay magaalada Kambala, iyo sidii loo xoojin lahaa awoodda dowlada KMG, taageerana loogu fidin lahaa ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale  Angela Markel ka hadlaysay xaaladda abaaraha ayaa sheegtay in dalkeedu uu 1milyan oo euro oo ugu deeqayo dalka Kenya oo ay ugu tala gashay howlaha faragelinta barnaamijyada bini‘aadanimada, si ay ugu kaashato dib u dejinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku soo qulqulaya gobolka woqooyi bari ee dalka Kenya.

Ujeedada booqashada Markel ayaa waxay qeyb ka tahay Socdaal ay ku mareyso dhowr wadan oo ku yaalla Qaaradda Afrika, waxa ayn ku saleysantahay dhanka dhaqaalaha oo ay Jarmalku ku doonayaan in ku hormariyaan mashaariic kala duwan oo ay ugu horreyso awooda korontada ee cadceeda laga dhaliyo, waxa ayna Kenya ugu deeqday lacag dhan 17.5 bilyan oo KSH ah oo la filayo in ay dowlada Jarmalka ku bixin doonto mashaariic socon doona inta u dhaxeysa 2011 ilaa 13.

Dhanka kale Lacagta ay Ballan qaaday Ra’iisulwasaaraha dowlada Jarmalka oo halka milyan ah ayaa waxay qeyb ka tahay dadaallada ay beesha caalamka ugu jirto sidii gargaar lagu gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ku xoola beelay abaaraha dalka ka jira, iyo kuwa ku dhibaateysan xeryahay wadamada deriska ah sida Kenya iyo Itoobiya, oo ay maalin walba soo gaaraan dad lagu qiyaasay Laba kun qof.

SomaliSwiss         Nairobi

SomaliSwiass@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: