Advertisements

Mareykanka oo xarun Sirdoon tii ugu weynayd ee geeska Afrika ka furtay Muqdisho Somalia.

WARBIXIN SOMALI/ENGLISH

undefinedHalkaan ka akhri

READ HERE IN ENGLISH

Markii ugu horeysay ayaa shaaca laga qaaday xaruntii ugu weyneyd ee CIA-da Mareykanka ku yeelato gudaha Soomaaliya iyo xabsi u gaar ah oo haatan ay ku leedahay xeebta Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Wargeys Mareykan ah oo lagu magacaabo ‘THE NATION’ ayaa faafiyey warbixin uu ka heley xubno ka tirsan CIA-da Mareykanka oo u sheegay inay xarun iyo xabsi ku leeyihiin magaalada Muqdisho halkaasi oo ay si dhow ugala socdaan dhaq dhaqaaqyada ururada Al-Shabaab iyo Al-Qaacida ee ku sugan Soomaaliya.

Sida warbixinta lagu sheegay, xaruntan waxay ku dherersan tahay xeebta badweynta Hindiya waxayna qiyaas ahaan dhowr KM- dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan tahay Magaalada Muqdisho.

Waxay xaruntan qarsoodiga ah  leedahay Garoon diyaaradeed yar oo macmal ah oo u gaar ah, kaas oo ay hore u isticmaali jireen qaar ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya, waxaana si toos ah ugu soo dega ugana duula diyaaradaha yar yar iyo kuwa qumaatiga u kaca ee loo yaqaano ‘Helicopters’ kuwaasi oo ay leeyihiin CIA-da Mareykanka.

Warbixinta uu shaaciyey wargeyska ayaa tiri “Xaruntan waa mid si weyn amaankeeda loo ilaaliyo, dadka waardiye-yaasha ahna waa Soomaali aad u hubeysan laakiin iyaga laftooda waxaa dusha kala socda saraakiil Mareykan ah.

Waa dhisme darbiyo (gidaaro) adag lagu wareejiyey oo marka si kale loo yiraahdo noqonaya magaalo kale oo ka madax banaan Muqdisho. Waxaa ku dhex yaalla ugu yaraan 12 dhisme oo yar yar kuwaasoo sida la sheegay isugu jira xafiisyo, qeybo  jiif iyo qolal dadka la soo qabto lagu xiro.

Waxaa xaruntan lagala socdaa dhaqdhaqaaqyada ururada Shabaab iyo Al-Qaacida  oo xulufo ku ah dagaalka DKMG iyo Amisom,  Waxaana inta badan yimaada saraakiisha CIA ee geeska Afrika oo ka yimaada magaalada Nairobi ee wadanka Kenya iyo Jabuuti.

Dadka ku nool caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayuu wargeysku sheegay, inaysan wax badan kala soconin xeradan CIA-da uga dhex furan Muqdisho, iskaba daaye waa goob aan loo ogoleyn in xitaa loo dhowaado.  Waxaa taasi sii dheer xitaa saraakiisha DKMG qaarkood ayaan wax badan ka ogeyn xaruntan.

Xabsiga CIA ee Muqdisho

Laakiin sheekada kale ee layaabka badan ee Wargeysku uu sheegay ayaa ah, in CIA ay xabsi God ah oo dhulka hoostiisa ku leedahay magaalada Mqdisho, wuxuuna maqaalku yiri “CIA waxay kaloo isticmaaleysa xabsi dhulka ku aasan oo ku dhex yaalla xaruntii hore ee ciidanka Nabadsugida Soomaaliya ee NSS loo yaqaanay” ayuu qoray wargeyska oo intaa ku daray in xabsigan lagu hayo, su’aalana lagu weydiiyo dadka looga shakiyo inay ka tirsan yihiin ama xiriir la leeyihiin Al-Qaacida iyo Al-Shabaab.

Xabsigani waxaa maamula ciidanka Nabadsugida ee DKMG ah, ayuu sheegay wargeyska  laakiin waxaa mushahaarka bixiya CIA oo si toos ah ula xiriirta saraakiisha nabadsugida DKMG ah.

Qaar ka mid ah maxaabiistii xabsigan lagu xiray ayaa loo wareejiyey Kenya si su’aalo halkaasi loogu soo weydiiyo hase yeeshee dadkii ay qabteen CIA iyo nabadsugida DKMG waxay ku xiran yihiin xabsigan.

Warbixinta oo sida la rumeysan yahay ay si hoose ku bixiyeen saraakiil ka tirsan CIA  ayaa soo baxday xilli dhowaan duqeymo dhanka cirka ah ay ka dheceen deegaan lagu magacaabo Qandalla oo qiyaas ahaan 10km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Weerar kaasi oo sida Mareykanku sheegay uu ku beegsaday xubno ka tirsan Shabaabka, iyadoo la xusay inuu ku dhintay Ibraahim Afghaani, sida Mareykanku sheegay.

Sidoo kale bishii September 2009 ayaa weerr diyaarad loo adeegsaday waxay Mareykanku ku dileen Saalax Cali Nabhan oo ah masuulkii ugu sareeyey Al-Qaacidada geeska Afrika. Weerarkaasi oo goor barqo ah ka dhacay agagaarka degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, Waxayna noqoneysaa markii ugu horeysay oo saldhig baaxadaasi leh ay CIA ku yeelato gudaha Soomaaliya.

SomaliSwiss M Saadaq

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: