Advertisements

FAALLO:- Maxaa ku dhacay Jaaliyadaha Somalida ee dalkan Switzerland oo ay uga damqan waayeen Musiibada haysata dadka iyo dalkooda.

undefinedHalkaan ka akhri

Waa wax lala yaabo in Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Switzerland ay la danqan waaayeen Musiiba ku habsatay dadka iyo dalkooda, ma waxgaradka waddaniyiinta ah ayaa ku yar, mise waxaa ka maqan Raxmadii Alle, waa su’aalaha ay isweydiinayaa dad badan oo kala jinsiyado ah.

Tani waxay caddeynaysaa in dad badn oo inaga mid ah ay qabaan Fikradaha gurracan oo ku saleysan qabiilka la siyaasadeeyey  ee laga dhaxlay dagaalkii Sokeeye ee qarxay dalkeena oo ilaa haatan ay la daalaadhacayaan bulshada  inteeda badan oo aan waxba galabsan.

Dorraat ayeey ahayd markii loo dabaaldegayey  51guuradii ka soo wareegatay maalintii la helay gobonnimada maanta lagu naaloonaya oo ku imaatay  halgankii  naf iyo maalba lagu waayey ee dadweynaha Soomaaliyeed ee ku noolaa gobollada Wooqooyiga iyo Koonfurta.

Sidaas awgeed bal  eega xaaladda ay ku sugan yihiin bulshada Soomaaliyeed oo noqotay sida dhalo burburtay 21Sano oo dadkeena iyo dalkeena ku ji rtay dagaal Sokeeye oo aan loogu aabbe yeelin dadka maatada ah ee aan waxba galabsan.

Haddaba maaxaa inagu dhacay haddaan nahay Soomaalida ku nool dalkan Switzerland ? waa su’aal  mar kasta  maskaxdeyda ku soo noqnoqotay, in badana isku dayey in aan xalkeedu raadiyo, balse aan waayey  dadkii ila xallin lahaa.

Qoraalka faaladan waxaa igu kalifay in aan qoro,markii aan arkay Caruur Soomaaliyeed oo marti u noqotay Gaajo iyo dagaal, maalin kastana u dhimanaya wax ay iyagu galabsanin, haddaba waxaan Walaalaha Soomaaliyeed ee  ku nool guud ahaan Switzerland, gaar ahaan kuwa uga badan ee nool kanton Zürich, waxaan ka cidsan lahaa inay dib u milicsadaan dadka dabar-go’aya ee maanta u baahan in loo gurmado si loo badbaadiyo oo loogu saaro xaaladda ay maanta ku sugan yihiin.   

SomaliSwiss       Zürich

Qore Dr, Axmed Dhicisow Dauud

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: