Dawlada Faransiiska oo ka walaacsan xaaladda ammaan iyo bini’aadanimo ee xilligaan ka jirta dalka Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Dawlada Faransiiska ayaa sheegtay inay ka walaacan tahay xaaladda ammaan iyo bini’aadanimo ee xilligaan ka jirta dalka Soomaaliya.

Codbaahiyaha  wasaaradda arrimaha dibbadda Faransiiska Bernard Valero oo u waramayay wakaaladda wararka u faafisa dalka Kuwait ee KUNNA ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin  dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya oo iskugu jirta Ammaan xumo iyo dadka ku tabaaloobay Abaaraha iyo dagaalada oo u baahan in la gargaaro.

Bernard Valero  oo ah Codbaahiyaha ayaa xusay in wadamada ku jira ururka Midawga Yurub ay iska kaashanayaan u gargaarida dadka dhibaataysan ee ka soo barakacay abaaraha ka jira wadanka Soomaaliya, sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dhinacooda gargaar u fiidinayaan Soomaalida dhibaateysan.

Codbaahiyaha wasaaradda arrimaha dibbadda Faransiiska oo hadlkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waa arrin aan ka murugaysan nahay waxa xilligaan Soomaaliya ka jira waxaana arrintaan la kaashanaynaa Midawga Yurub G,8 iyo G20, ga si dadka wax loogu qbto”.

Hase yeweshee Bernard Valero, wuxuu sheegay in dhibaatada Soomaaliya ka jirta ay ka dhasheen abaaraha daba dheeraaday iyo colaada aan dhamaadka laheyn ee wadanka Soomaaliya ka jira, wuxuuna tilmaamay in dawladiisu kordhinayso 20% gargaarka ay siiyaan Soomaaliya iyo wadamada kale ee ku yaala geeska Africa.

Si kasta ha ahaatee Xaaladda Soomaaliya  ayaa Wadamada caalamka ka mid ah ay walaacii ugu xumaa ka muujiyay dadka abaaruhu ku saameeyeen gudaha Soomaaliya, waxaana wadamada qaarkood ay ku yabooheen dhaqaale lagu gargaarayo dadka ku tabaaloobay Abaarta daba-dheeratay.

SomaliSwiss    W.W. Kuwait (KUNNA)

SomaliSwiass@hotmail.com

%d bloggers like this: