Advertisements

Wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray maanta wafdi uu horkacayo Danjire Mahiga xariiriyaha arrimaha biniaadanimo ee qaramada Midoobay u qaabilsan  Soomaalida Mark Bowden.

Madaxdaan ayaa waxay ka soo degeen Garoonka Diyaaradaha Aaden Cadde Airport ee Magaalada Muqdisho, iyadoo garoonka ay wafdigaan ku soo dhaweeyeen madax ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia  ayay madaxdaasi kula kulmeen Madaxda sare ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Madaxwayne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aaden iyo Ra’iisal wasaaraha Cabdi Wali Maxamed Cali.

Wefdiga ka socda Qaramada Midoobay ayaa ujeedkooda waxa uu yahay inay dersaan  xaalada barakacayaasha gudaha ee Soomaaliya, ammaanka iyo waliba siyaasadda dalka.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: