Advertisements

Ra’isal wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya oo sheegay in dadka barakacayaasha ah loo sameynayo dib udajin.

undefinedHalkaan ka akhri

R/wasaare Dr. Cabdi Wali Maxamed Cali oo shalay kormeer ku sameeyay xaalada dadka barakacayaasha iyo sida uu u socdo gurmadka ay dowladda dadkaasi u fidineyso ayaa sheegay in dowladda ay maanta bilaabi doonto dib u dajin ay  u sameyneso dadka barakacayaasha ee magaalada Muqdisho ku sugan, waxayna dowladdu u qorsheesay barakacayaasha, islamarkaana ay diyaarinaysaa goobo ay dadkaasi hooy ka dhigtaan

Sidoo kale R/wasaaraha wuxuu ugu baaqay ganacsatada, Jaaliyada dibadda iyo cid walba oo wax  haystada oo Somaali ah inay walaalahood dhibateysan taakuleeyaan, wuxuuna intaa ku daray in hay’adaha gargaarka ay iyana kaalintooda ka soo muuqdaan.

R/wasaaruhu wuxuu hoosta ka xariiqay in dadka dhibaatada ka muuqata aynan cidna ka qarsami karin oo la arkayo diifta ka muuqanaysa oo ah mid ay suuro gal tahay in ay u dhintaan.

Dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxay Shalay gargaar aad u balaaran gaarsiiyay dadka barakacayaasha ee Muqdisho ku soo barakacay islamarkaana ay wali soconayaan gurmadka dadkaasi loo fidinayo.

R/wasaaraha xukuumadda FKMG ah ayaa Shalay galab  ka qayb galay How gal deeq lagu gaarsiinayay in ka badan kun iyo shan boqol oo qoys oo ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Dhanka kale R/wasaaruhu  wuxuu shalay tagay Iskoolka Maxamuud Mire oo ku yaalla degmada Waaberi, halkaas uu qoysas badan ugu qeybiyay deeq isugu jirtay Raashin, Timir, Baco, Bustayaal iyo lacag ay dhiibtay dowladda FKMG ah, wuxuuna halkaa saxaafadda ugu sheegay in ay sii socon doonaan deeqahaan.

Si kasta ha ahaatee Guddiga Gurmadka Abaaraha ee heer Wasiir ayaa dardar gelinayaa sidii loo gaarsiin lahaa dad tiradooda ka badan tahay  kun iyo shan boqol oo qoys oo barakacayaal  ah oo loo qaybinayo deeq ka kooban raashin, Timid, Baco, Bustayaal iyo lacag caddaan ah.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: