Advertisements

Ra’isal wasaraha dalka Ingiriiska oo sheegay in dadweynaha UK ay ugu deeqeen 9-Milyon oo Bound, dadka Soomaaliyeed ee ay Abaartu ku habsatay.

undefinedHalkaan ka akhri

Ra’isal wasaare David Cameron ayaa  ka hadlay Deeqda gar gaar ah oo ay soo uruuriyeen Dadka u dhashay dalka Ingiriiska, wuxuuna Ra’iisul wasaaraha uu ka mahadceliyay deeqaha ay u aruuriyeen dadkaasi.

Sida uu sheegay Ra’iisul wasaaraha waxaa deeqdaas loogu talagalay in lagu badbaadiyo caruurta iyo waayeelada gaajada ugu la’anaya guud ahaan wadamada bariga Afrika, gaar ahaan dalka Soomaaliya ee abaartii ugu ba’anayd  muddo 60- sanadood ah ay haysato.

Ra’iiisul-wasaraha Ingiriiska wuxuu caddeeyey in deeqdaan ay wax weyn ka tari doonto badbaadada dadka ay abaarurhu ku dhufteen gaar ahaan kuwa ku nool Dalka Somaliya, madaxa gudiga Dowladda Ingiriiska u xilsaartay iskudubridka howlaha gargaarka loogu fidinayo dadyowga Africa ee musiibooyinka abaaraha ay haysato ayaa sheegay in dadka ku nool Boqortooyada Ingiriiska Mr. Bernan Geromey ayaa sheegay in dadka ku nool boqortooyada ingriiska ay diyaariyeen lacag dhan 9 million oo bound .

Dhanka kale Madaxa gudiga iskudubridka Dowladda Ingiriiska ee howlaha gargaarka loogu fidinayo dadyowga ku nool geeska Afrika   ayaa sheegay inay weli socoto tabarucaada lacagaha ay ku deeqayaan shaqsiyaadka hantida leh ee ku dhaqan wadanka ingiriiska iyo dhamaan bulshada wadanka Ingiriiska.

SomaliSwiss     London

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: