Advertisements

Mareykanka oo si buuxda u sheegay in ay qaxootiga Soomaalida ugu deeqeen Lacag 5-Million dollar oo hor leh.

undefinedHalkaan ka akhri

Kaaliyaha xog’hayaha guud ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Qaxootiga Reuben Brigity ayaa si buuxda u sheegay in Dawlada Maraykanka ay ku deeqayso lacag hor leh oo gaaraysa 5 Million oo Dollar Qaxootiga Soomaaliyeed iyo dadka kale ee ku barakacay gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Kaaliyuhu wuxuu sheegay in Maraykanku uu ugu talo galeen in wax loogu qabto dadka Soomaaliyeed ee ay sida weyn u saameeyeen abaaraha dalka ka jira  oo qaxootiga ku ah xeryaha ku yaala dalalka Kenya iyo Ethiopia iyo kuwa kale ee gudaha ku barakacay.

Kaaliyaha xog’hayaha guud ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha oo Warbaahinata kula hadlay magaaladda Addis-Ababa wuxuu yiri: “Waxaan doonaynaa inaan ka shaqeyno caafimaadka iyo ka war qabka xaaladda xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ay sida weyn abaaruhu u saameeyeen” ayuu yiri ,”.

Dhanka kale Agaasime ku xigeenka hay’adda dhinaca gar gaarka ee USAID Donald Steinberg ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan in gudaha Soomaaliya gar gaar looga qaybiyo maadaama ay dad badani ku dhibaateysan yihiin kuwaasoo ay heystaan dhibaatooyin adag oo dhanka nolosha ah, Maraykanka ayaa horey dadka abaaruhu saameeyen u sheegay inuu deeqayo lacago loogu talo galay in lagu gar gaaro dadka dhibaateysan.

SomaliSwiss    Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: