Advertisements

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo dadka barakacayaasha ah ugu deeqay lacag dhan 10 kun oo dollar-ka Mareykanka ah.

undefinedHalkaan ka akhri

Guud ahaan qaybaha Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha iyo Dibadda ayaa u kacay inay  kaalin ka qaataan u daryeelidaa dadka ku soo barakacay Abaaraha iyo dagaalada ka jira dalka Soomaaliya

Sidaas darteed Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxay maanta deeq lacageed iyo Saadkoodii qeyb ka mid ah u qeybiyay dadka ka soo barakacay abaaraha eek u sugan magaalada Muqdisho.

Gen. C/kariim Aadan Yuusuf “Dhegobadan” oo ah Abaanduulaha Ciidamada XDS ayaa sheegay in maanta deeq lacageed oo dhan 10 kun oo Dollar Mareykanka ah iyo qaar ka mid ah Saadkii Ciidanka la guddoonsiiyay Barakacayaasha oo ay ugu deeqeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Abaanduuluhu wuxuu intaa raaciyay in Ciidamadu ay ammaanka dadkaas sugayaan haddana ay dadka la qeybsanayaan waajibaadka ka saaran in ay u gargaaraan walaalahooda dhibaateysan, wuxuuna tilmaamay in ay sii joogteyn doonaan.

Hase yeeshee Abaanduuluhu wuxuu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay kaalmeeyaan dadka walaalahooda ah ee dhibaateysan.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: