Advertisements

Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo saacado gudahood umaddu ku ogaaneyso cidda ay metelaan.

undefinedHalkaan ka akhri

Xubnaha golaha Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda u codeeyaan heshiis dhagaraeedkii Kampala, kaas oo wax badan u dhimaya sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed.

Xildhibaannada oo aan looga baran inay ku shaqeeyaan fikirkooda ama difaacidda qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa horyaalla arrin adag oo Soomaaliya iyo karaamadeeda oo ay xilwareejinayaan ka sokoow, ay sidoo kale u codeynayaan inaysan metelin Soomaaliya isla markaana ay iska casilaan xilkooda maadaama qodobo ka mid ah 10-kii qaybood ee heshiis beenaadkii Kampala uu dhigayo inaysan baarlamaanku awoodin inay ka doodaan ama ka hadlaan arrimaha heshiiskaas, taas oo macnaheedu yahay in haddii ay u codeeyaan ay waynayaan xilalkooda oo ay iyagoo og dhiibeen ama is casilaadooda u codeeyeen. Wixii ka soo kordha kala soco SomaliSwiss.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: