Xildhibaannadu Ma is casilayaan mise Shariifyaday casilayaan maanta!!!!!!!!

MAQAAL XIISO BADAN

undefinedHalkaan ka akhri

Xildhibaannada Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo dadka qaarkiis hore ugu bixiyeen, Isdhibaanada Soomaaliya ayaa Maanta waxaa hor yaalla shax adag oo magaceeda la yiraa;  (Laba Sharood kala dooro).

Xubnaha baarlamanka ayaa haddii ay diidaan heshiiskii Kampala waxay macnaheedu tahay inay is casilayaan Labada Shariif ama ay doorasho gelayaan bisha Agoosto oo maalmo ka harsan yihiin taas oo u muuqanaysa mid aan macquul ahayn, haddiiba uu fashilmo heshiis dhagareedkoodii.

Dhinaca kale Xubnaha Baarlamanka waxaa miiska u saaran Muraayad muujinaysa in haddii ay u codeeyaan heshiiskaas ay waynayaan xilalkooda, sidoo kale waxaa shaashadda ka muuqda in haddii aysan u codeyn heshiiskii Kampala ay la kulmi doonaan shiid iyo busaarad muddo badan socda, taas oo ka nixinaysa qaar badan oo iyaga ka mid ah.

Si kastaba ha noqotee muuqaalka guud ee isoo baxaya markii ay rog rogeen qoraal shalay loo qaybiyay oo ka kooban 10 qodob oo ku qoran af Soomaali ay macaan badan oo ay kusoo tarjumeen Laba Shariif, laakiin qaybtooda dambe ee ingiriiska dhadhankeedu yahay qaraar.

Dhinaca Kale ayay u muuqanaysaa, xaqiiqda ah inay xilkooda ku waynayaan ansixinta heshiiskaas dabadeena ay noqonayan kuwii saxiixay geeridooda, iyagoo sidoo kale ay u muuqato hanjabaado aan qaris lahayn oo xabsi iyo xarig iyo xisaab la’aan isugu jira oo uga imaanaya dhanka Shariifyada.

Inkastoo xuuraansiga hoose iyo xam xamta baarlamaanku sheegayso inay heshiiskaas diidan yihiin 326 mudane, hadana sida lagu wado maanta ayay kala cadaan doontaa inay is casilayaan ama Laba Shariif Casilayaan.

 SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: