Advertisements

Madaxda Sportiga Soomaaliyeed ee Zürich oo ka hadlay arrimaha Kooxaha Kubadda Cagta, una sameeyay maamul mideysan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaa shalay lagu qabtay Xafiiska Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Zürich Shir ay Isugu yimaadeen Horjoogayaasha Kooxaha Kubadda Cagta ee  ka jira kanton Zürich oo kala ah Kooxda FCZS, Alla Aamin iyo  Kooxda Qaranka, waxaa kaloo kulan joogay garsoorayaasha iyo Tababarayasha Kooxahaas.

Ujeedada Shirkaas ama Kulankaas oo ay soo abaabuleen Guddiga dhaxe ee Jaliyadda Kanton Zürich ayaa wuxuu ahaa in Kooxaha Soomaalida ee Kubbada Cagta ee ka jira Kanton Zürich la mideeyoo, loona sameeyo hal Guddi oo maamulkooda kala hago, Ciyaarahooduna lagu tayeeyo.

Furitaanka shirkaas ayaa waxaa hadallo kooban oo guubaaba ah ka jeedisay Guddoomiyaha Jaaliyadda Xaawa Nuur Muudey iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Dr. Axmed Dhicisow Daauud, kadibna kulankii bahda Sportiga isaga dhex-baxeen  si ay keligood uga wada hadlaan xal u helidda arrimaha Sportiga Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta Bahda Sportiga Soomaaliyeed ee Kanton Zürich oo wadahadal kadib isla garteen in Cayaartooyda la siiyo Tababar kor  lagu qaadayo xirfadooda, sidoo kale waxaa laga wada hadlay sidii mustaqbalka loo heli lahaa Kooxo Kubadda Cagta oo ku Cayaarto heerka 1aad ee Qaranka , heerka 2aad iyo heerka 3aad, kuwaas oo laga soo dhex xuli  doono Kooxaha Soomaalida ee hadda ka jira Kantoon Zürich.

 Hase yeeshee dood dheer iyo falaaqeyn ka dib  waxaa shirkaas lagu doortay inay noqdaan Mas’uuliyiinta uga Sarreysa ee bahda Sportiga Soomaalida ee kanton Zürich waxaana la isku raacay sidatan:

1 – Xasan Max’ed Cumar ( Xasan Cadde ), Guddoomiyaha dhallinyarada iyo Sportiga ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Zürich.

2 – Cashar Xasan  madaxweynaha Sportiga Soomaalida ahna Mas’uulka uga Sareeya maamulka Sportiga ee Kanton Zürich.

Si kasta ha ahaatee shirkan ayaa ahaa guul u soo hooyatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Zürich, gaar ahaan bahda Sportiga Soomaaliyeed oo muujiyey inay u  horseedaan midnimada Soomaalida ee kantoonka waana arrin ku dayasho mudan.

SomaliSwiss    Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: