Halkaan ka akhri
Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa la sheegay inuu ka hadlay munaasabad loo qabtay qaraxyadii ka dhacay sanad ka hor magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, wuxuuna ugu baaqay wadamada beesha calamka inay qalab ciidan oo dhameys tiran ku caawiyaan ciidamada midawga Africa Soomaaliya ka jooga ee AMISOM si looga adkaado Ururka Xarakada Al-Shabaab ee dagaalada ka wada dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha dalka Uganda Musaveni ayaa shegay in xaaladda ammaan ee Soomaaliya ay noqotay mid sii xumaanaysa asagoo sheegay inay ka dambeeyaan ammaan xumida ka jirta dalka Soomaaliya kooxo ka tirsan Al-Qacida oo jooga Soomaaliya, kana garab dagaalama Xarakadda Al-Shabab.
Dhanka kale Madaxweyne Musaveni wuxuu tilmaamay in weeraradii ay Xarakada Al-Shabab 11 July ee sanadkii hore oo ay tilmaamayso qorshayaasha Al-Shabab ee ay ku doonayso inay ku waxyeelayso dadka ku nool gobolka oo dhan sida uu yiri, waxaana uu ugu baaqay beesha caalamka iyo wadamada daneeya arriimaha Soomaaliya inay caawimaad deg deg ah oo dhanka ciidamada ah ay la gaaraan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka hawl gala.
Hase yeeshee Museveni wuxuu xusay in loo baahan yahay in ciidamada AMISOM lagu taageero diyaarado lagula dagaalamo Al-Qacida iyo Al-Shabab iyo qalab kale oo lagula dagaalamo kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo uu sheegay inay qeyb ka yihiin amaan xumida Soomaaliya ka jirta.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Dhibaatadaan waa in loo helo xal ka dambeys ah oo ciidamada AMISOM lagu taageero qalab dhameystiran waayo Soomaaliya waxaa iskugu darsamay Al-Qacida iyo burcad badeed”.
Sida aad la socotaan Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa wuxuu dhawr jeer u ololeeyay in Soomaaliya laga sameeyo aag diyaaradaha ka caagan si loo cuna qabateeyo Xarakadda Al-Shabab dhawanna dawlada Maraykanka waxay ciidamada AMISOM ku taageertay 47 Million oo Dollar si ay awood ugu fududaato hawl galada ay ka wadaan Soomaaliya.
SomaliSwiss Kampala
Filed under: Kambala |
You must be logged in to post a comment.