Advertisements

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in isaga iyo Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ay ka tashadeen xubnaha uga mid noqonaya dowladda.

undefinedHalkaan ka akhri

Madaxa maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Xaaji Maxamuud Faroole oo  ayaamahan ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa Warbaahinta uga warbixiyay ujeedada ka dambeysa booqashadii uu ku joogay dalka Kenya , wuxuuna sheegay inuu la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah C/Weli Maxamed Gaas, isla markaana wuxuu tilmaamay in kulankaasi ay uga hadleen xiriirka Dowladda KMG ah iyo maamulka Puntland sidii uu mar kale u soo laaban lahaa.

Madaxweyne Faroole wuxuu kaloo uu sheegay in Ra’iisal Wasaaraha ay isla garteen sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha keenay inuu xumaado xiriirka Dowladda iyo Puntland, wuxuuna C/raxmaan Faroole si cad ugu sheegay in Ra’iisal Wasaare C/Weli in dowlada ay ku jiraan shaqsiyaad Puntland ka soo jeeda oo aan la shaqeyn karin maamulka Puntland.

Mudane C/raxmaan Faroole oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Ra’iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah waxaanu ka wadahadalnay shaqsiyaadka Puntland ka soo jeeda,” sidoo kale wuxuu sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah ay ka wadahadleen in Xukuumadda laga saaro shaqsiyaad isku sheegay inay aqoonyahano yihiin oo ka soo jeeda Puntland, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay iyana wada shaqeyn karin, isla markaana aanay ahayn kuwo qaadi kara mas’uuliyad dowladnimo.

Si kasta ha ahaatee Madaxweynaha maamulka Puntland wuxuu kaloo uu sheegay in mudadii uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya inuu kulan la yeeshay wafdi ka socda Dowladda Talyaaniga, isagoona sheegay inay ka wadahadleen sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku dhibaateysan degaanada Puntland oo uu sheegay in qeyb ka mid ah degaanadaasi aanay in muddo ah helin roobab xaaladooduna ay tahay mid aan fiicneyn islamarkaasna ay aad u xun tahay.

SomaliSwiss    Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: