Advertisements

Sheikh Shariif oo maanta la kulmay wafdi ka socday Dalka Taliyaaniga.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

War goor dhaweyd aan ka helnay magaalda Muqdisho ayaa sheegay in maanta ay booqasho ku tageen wafdi  uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Arimaha dibada ee dalka Talyaaniga Mudane Alfredo Mantica, wuxuuna Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia  kula Kulmay Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya  wxaana kulankaas ka soo baxay warsaxaafadeed la xiriira waxyaabahii ay ka wada hadleen Wafdiga iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaliya Mudane Sharif. Sh. Axmed ayaa qaabilaada kadib  wuxuu Wafdiga Wasiir ku xigeenka Arimaha dibada ee dalka Talyaaniga Mudane Alfredo Mantica ugu horeyntii ugu mahad celiyay wafdiga balaaran, boqashada ay ku yimaadeen dalka Soomaaliya.Waxaa uu Madaxweynaha u sheegay in waqtigaan la joogo shacabka Soomaaliyeed ay haysato dhibaatoyin  la xariiro abaaro iyo amni daro, hadana si deg- deg ah loogu baahan yahay kaalmo bini aadnimo loo fidiyo shacabka Soomaliyeed.

Dhanka kale Mudane Alfredo Mantica ayaa balanqaaday in ay dowlada Talyaaniga ay si deg-deg ah kaalmo ku soo gaarsinayaan Soomaaliya si loo badbaadiyo shacabka dhibaateysan oo macluusha u dhimanayo.

Madaxweynaha ayaa ku wargeliyay in ay dowlada wax badan ka qabatay dhinaca  amniga, iyadoo kaashaneysa ciidamada Midowga Africa uguna mahadcelisay dowlada Talyaaniga kaalmada joogtada ah ay ka geeysato horumarka xagga amniga.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: