Advertisements

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta xil wareejiyay madax banaanidii & Qaranimadii dalka Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Xildhibanda Baarlamaanka Soomaaliya sidaas ayaa ku soo baxay maanta sidii rasmiga aheyd ee xilka loogu dhiibay, marba hadii ay ansixiyeen heshiiskii Kampala taas oo macnaheedu yahay inay yihiin kuwa dhankii markaas la doono loo weecinayo. Bal fiiri maxay ka doodeen oo ansixiyeen maanta, dabcan waa qodobadii heshiis dhagareedkii Kampala oo mar hore uu hirgeliyay Mahiga oo ku yiri Lama horgeynayo heshiiskaan Baarlamaan, sababtoo ah loomaba baahna inay ka hadlaan, waana in sidooda ay u dhaqan galaan ayadoon la marsiin Baarlamaanka, taas oo ka dhigan inaysan ahayn xildhibaanadu wax jira.

 Xildhibaannada Soomaaliya oo hore dad badan oo Soomaaliyeed ugu magac bixiyeen Isdhibaanada Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho ku ansixiyay heshiiskii Kampala ay bishii 09-kii Juun kusoo gaareen Labada Shariif ee nuxurkiisu ahaa in Soomaaliya la geliyo maxmiyad, isla markaana aysan jirin cid ka hadli karta, xittaa baarlamanku aysan ka doodi karin, taas oo macnaheedu aha inaysan xildhibaanadu mtelin umad Soomaaliyeed, kana shaqeyn danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Shariif Sakiin oo furay kulanka ayaa doodo kaddib wuxuu cod geliyay heshiiska waxaana ogolaatay sida ay shaciyeen 393 mudane oo ka mid ahaa 436 xildhibaan oo kulanka soo xaadiray, waxaana diiday 36-mudane, halka ay ka aamuseen 7-mudane.

Natiijada ansixinta heshiiska ayaa waxaa codeynta kaddib ku dhawaaqay Shariif Xasan oo sheegay in heshiiskaas uu ansax yahay, iyadoo kulanka maanta uu aad uga duwanaa kii shalay ee buuqa ku dhammaaday, waxayna ansixintaasi marki loo eego heshiiskii Kampala ka dhigaysaa Baarlamanka mid aan jirin oo aan ka hadli karin arrimaha Soomaaliya iyo Soomaalidaba.

Xildhibaanno fursad u helay inay ka hadlaan heshiiska ayaa ku tilmaamay mid aanay dani ugu jirin shacabka Soomaaliyeed iyo dalka, waxayn soo jeediyeen in la diido, balse ugu dambeyn heshiiska waa la meel mariyay.

Si kastaba, heshiiskaas khiyaanada huwan ee ay u codeeyeen ayaa muujinaya inaysa jirin wax masuuliyad ah oo ay u hayaan umadda Soomaaliyeed iyo qaranimadeeda iyo madax banaanideeda, waxaana la gudboon shacabka Soomaaliyeed inay isku tashadaan, maadaama baarlamaankii sheegi jiray inay metelaan ay saxiixeen heshiis huwan qiyaamo qaran, oo xittaa iyaga qudhooda ka qaadaya awooddii ay uga doodi lahaayeen arrimaha Soomaaliya.

SomaliSwwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: