Advertisements

Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya heshiiskii magaalada Kampala.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay fadhi ku yeeshaan Xildhibaanada barlamanka kaasi oo ay kaga doodi doonaan heshiiskii magaalada Kampala ay ku soo gaareen Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha barlamanka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka oo warbaahinta  la hadaleen ayaa waxay sheegeen in Xildhibaanada lagu wargaliyay inay isgu yimaadaan Xarunta Golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho,waxayna sheegeen in ajandaha maanta uu yahay ka doodista qodbadii kasoo baxay heshiiskii labada Shariif ee dowladda ay wada gaareen.

Sidoo  kale Xildhibaano wax laga waydiiyay in uu ansixinayo barlamanka heshiiskaasi iyo in kale ayaa waxay  sheegeen in barlamaanka la hor keeni doono qodobadii kasoo baxay heshiiskaas, balse waxaycaddeeyeen  in qodobkii ay u arkaan in wax dan ah uusan ugu jirin dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay kasoo horjeesan doonaan halka kuwa wanaaga ku jirana ay ansixin doonaan.

Sida la wada ogsoon yahay Heshiiskii magaalada Kambaala ay ku gaareen Madaxweynaha Sheikh Shariif iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan ayaa waxaa la rumaysan yahay in qodob ka mid ah uu dhaqan galay kaasi oo ahaa in uu xilka isaga dago Ra’isul wasaaraahii hore ee Xukuumada Max’ed C/laahi Farmaajo kadib qilaaf xoogan oo hareeyay Madaxda iyo Hay’adaha dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: