Advertisements

Wafdigii uu hogaaminaayay Madaxweyne Sheikh Shariif oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Wafdigii uu hogaaminaayay madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif ayaa la sheegay inuu xalay dib ugu soo laabatay Magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka soo duuleen Magaalada Jubba ee Koonfurta Dalka Sudan oo ay uga qeyb galeen munaasabad lagu maamuusaayay madxbaani ay K/Sudan ka qaadato Dalka Sudan.

Madaxweynaha wafdigiisa ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed C/llaahi Omaar, wasiirka warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta C/kariim Xasan Jaamac, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Agaasimaha Nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed.

Sida lagu soo warray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa lagu bilaabay inuu habeenkii shaqeeyo sidaas darteed wafdiga Madaxweynaha ayaa markii ay soo cagadhigatay diyaaradii siday loo soo gelbiyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliyeed ee Villa Somalia.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wuxuu ka mid ahaa Hogaamiyaashii lagu casuumay gooni isu taaga dalka Koonfurta Sudan, wuxuuna madaxweynaha intii uu ku sugnaa dalkaasi cusub halkaasi kulamo kulamo kula yeeshay madax sare oo caalamka ka tirsan.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: