Sheikh Umal, Sheikh Shibili iyo wadaado kale oo dhimasho & dhaawac uu kasoo gaaray shil gaari.

undefinedHalkaan ka akhri

Warar maanta gelinkii dambe oo dhan isasoo tarayay oo aan ka heleyno gudaha dallka Kenya aya sheegaya inay shil Gaari ku dhaawacmeen, isla markaana uu jiro qasaare dhimasho iyo mid dhaawac kaas oo soo gaaray, qaar mid ah  wadaadada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Kenya gaar ahaan madaxdii Al-Ictisaam (Ex-Alitixaad).

Wadaadadaas oo maanta ka anbabaxay magalada Nairobi ayna ka mid ahaayeen; Shiikh Maxamad Cabdi Umal, Shiikh Maxamuud Shibili iyo kuwa kale oo badan ayaa ku sii jeeday sida la sheegay dhanka xerooyinka qaaxootiga Soomaalidu ku xareysan yihiin, waxayna wararku sheegayaan inay ku dhaawacmeen qaarkood shil gaari intii ay wadada kusii jireen.

Warar kala duwan oo SomaliSwiss ka soo garaaya dalka Kenya ayaa sheegaya inuu dhaawac soo gaaray Sheekh Maxamed Cabdi Umul iyo Sheekh Shibille iyo wadaado kale oo la socday inkastoo aysan SomaliSwiss Xaqiiji karin magacyada oo dhan, mana jiraan faah faahino badan oo laga heli karo qasaaraha saxda ah ee uu gaystay shilkaasi.

Wadaadadaan oo watay Gaari khaas ah oo uu kaxaynayay Shiikh Shibili ayay wararku sheegayaan inay dad ku geeriyoodeen, intii aysan gaarin Magaalo madaxda Waqooyi bari Kenya, gobolka Soomaalida ee Garisa iyo Xerooyika qaxootiga oo ay u socdeen. Wixii Warar cusub kasoo kordha arrinta shilkaas dib ayay idiin kugu soo gudbi doontaa Shabakadda SomaliSwiss.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: