Advertisements

Shariif Sakiin: Haddii aad fowdo igu bilowdaan Xildhibaanadow, anaguna fowdaan bilaabynaa.

Halkaan ka akhri

Kulankii ay maanta yeesheen mudayaasha Baarlamaanka Dawladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa kusoo dhamaaday buuq, sawaxan iyo weliba fawdo kadib markii mudayaasha Baarlamaanka ay gebi ahaanba kasoo horjeesteen qodobadii kasoo baxay heshiiskii Kampala ay kusoo gaareen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa siweyn ugu gacan sayray dhamaan qodobada heshiiskaasi in ay ansixiyaan iyaga oo ku sheegay mid aanay dan ugu jirin dalka iyo dadka Soomaaliyeed isla markaana meesha ka saaraaya madax banaanida Soomaaliya.

Shariif Sakiin oo shir gudoominayay kulankaas ayaa Xildhibaannada ugu hanjabay inuusan jirin wax ka dambeeya iyo wax ka horeeya heshiiskaas oo ay ku qasban yihiin inay qaataan, isagoo ku goodiyay in haddii ay fowdeeyaan oo buuq iyo fowdo keenaan uu isaguna bilaabi doono fowdo iyo dhibaato, “Haddii aad fowdo iyo buuq nagu bilowdaan, annaguna waxaan bilaabi doonnaa inaan idin fowdeyno oo aan samayno wixii aad samaysaan oo kale” ayuu yiri Shariif Sakiin oo ka dalbaday Amisom iyo ciidanka Police-ku inay hoolka baarlamaanka gudaha u soo buuxiyaan.

R/Wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas oo Baarlamaanka ka hor hadlay ayaa sheegay in uu taageersan yahay qodobada kasoo baxay heshiiskii Kampala, mudanayaasha Baarlamaanka ayaa aad ugu qayliyey hadalka Ra’isal Wasaaraha taasina waxay sababtay in uu Raysal Wasaarahu isaga baxo hoolka Baarlamaanka.

Kulanka oo guud ahaantiisba kusoo dhamaaday buuq iyo fawdo ayaa loo balamay in maalinta berri ah dib la’isugu soo laabto lamana oga waxa iska bedeli doona mawqifka mudanayaasha ee ku aadan shirkii Kampala.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: