Ra’isal wasaare C/wali oo kulan kula qaatay magaalada Nairobi Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland.

Halkaan ka akhri

Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali ayaa  wuxuu kulan wada tashi uu  xalay Magaalada Nairobi kula qaatay Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntalnd, kulankaas oo la xiriiray  dhismaha iyo magacaabidda Xukuumadda cusub.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ud Faroole ay kaga wada hadleen arimo farabdan oo la xiriira xaaladda Soomaaliya. 

Sida la sheegay Kulankaa labada mas’uul  ayaa  wuxuu ahaa mid albaabada u xiranaayeen,waxayna  labada dhinac ka wada hadleen sidii loo soo magacaabi lahaa Golaha Wasiirada iyo xubnaha Maamul goboleedka Puntaland uu ku yeelanayo Golahaasi.

 Hase yeeshee  kulankan ay qaateen labada Mas’uul ayaa kasoo baxaya warar is khilaafsan oo sheegaya in Madaxweyne Faroole uu soo jeediyay in Xubno uu isaga raali ka yahay lagu biiriyo Golaha Wasiirada islamarkaana aan lagu soo darin xubnaha iminka ku ijra Golaha Wasiirada oo kasoo jeeda Maamulka Puntland.

Madaxweyne Faroole  ayaa diidan in Xukuumada lagu soo daro C/rashiid Khaliif oo ah Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska ee dowladda KMG Soomaaliya iyo C/kariin Xasan Jaamac oo isna ah Wasiirka Warfaafinta dowladda , wuxuuna  C/raxmaan Faroole  caddeeyey in Wasiiradaas ay dhibaato ku yihiin amaanka deegaanada Maamulka Puntalnd sida uu hadalka u dhigay.

Si kasta ha ahaatee waxaa gabagabadii kulankaas ay isku afgartay  Ra’iisul wasaaraha dowladda C/wali Max’ed Cali iyo Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Faroole in lasoo magacaabo Golo Wasiiro oo tayo leh oo ay ku jiraan dad laga soo xulay deegaanada Puntland.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: