Advertisements

Roob lagu diirsaday oo shalay ilaa iyo maanta ka da’ay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Halkaan ka akhri

Waxaa magaalada Muqdisho Shalay ilaa iyo xalay iyo maantaba  ka da’ay roobab lagu diirsaday, waxaana la sheegay in roobabkan da’aayay aysan gaysan wax khasaare ah, balse  waxaa Roobkan ku soo aaday xiilli barakacayaal fara badan ku soo qul qulayaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Roobabkaan ayaa  ah kuwa   loo yaqaan xagayga ee da’a  xilliga dayrta ayaa xalay oo idil ka da’ayay Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxa uuna roobkaas ahaa mid dadku ay aad ugu faraxsanaayeen di’istiisa.

Dhanka kale Roobabka ka da’ay Xalay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaan ilaa iyo hada gaysan wax khasaare ah, wuxuuna ahaa mid dadka iyo duunyadaba ay u baahnaayeen, balse la shegay in roobkaan ay wateen dabaylo aad u qabow.

Sida lagu soo warramay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo qulqulaaya qoysas barakacayaal ah, kuwaasi oo qaarkood  degay guryo qadiimi ah,  iyo gobo horay u lahayd Dowladii hore, mana jirto wax gacan ah oo ay barakacayaashaasi ka heleen Hay’adaha samafalka, Balse dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn isaga xilsaaray sidii ay ugu gurman lahaayeen barakacayaashaasi ku soo qulqulaaya Magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee wasiirka Caafimaadka Dr. Aadan Xaaji Ibraahim ayaa sheegay si ay u ogaadaan waxay qiimeyn ku sameeyeen caafimaadka ku dhowaad 9-kun qoys oo  ka soo barakacay abaaraha oo soo gaareen tan iyo horaantii bishan magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: