Halkaan ka akhri
Labadii Maalmood ee lasoo dhaafay, Waxaa si weyn u soo shaac baxaaya oo kasii daray, khilaafaad baahsan oo u dhaxeeya Madaxda sare ee xarakada Al Shabaab oo hore mugdi u kala dhex yiil, gaar ahaan Mukhtaar Rooboow (Abuu Mansuur) iyo Axmad Godane, iyadoo uu khilaafkoodu uu salka ku haayo, qorshaha lagu fasaxay hay’adaha gargaarka ah.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay Shabakadda Warbaahinta ee SomaliSwiss u sheegeen in Abuu Zubeyr oo ay Soomaalidu u taqaano Axmed Cabdi Godane uu si weyn uga carooday qorshaha dib loogu fasaxay hay’adaha gargaarka ah.
Inta aan la-fasaxin hay’adaha gargaarka ayaa waxaa la-sheegay in kullan balaaran ay yeesheen saraakiisha Xarakada Al Shabaab, iyadoo uu kullankaasi uu shir gudoominaayay Afhayeenka Guud ee Xarakada Al Shabaab Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” waxaana garabkiisa midig ka soo muuqanaayay Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” isla-markaana kullankaasi ayaa waxay uga hadleen abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada ay gacanta ku hayaan iyo qul qulka ay sameynayaan dadku ay abaaruhu saameeyeen.
Kullankaan oo dhacay shantii bishaan ayaa waxaa lagu soo gaaray in hay’adaha gargaarka ah ay ka hawl-gelli karayaan deegaanada ay gacanta ku heyso Xarakada Al Shabaab, hase ahaatee waxaa la-sheegay in uu qaadacay “Abuu Zubeyr”.
Khilaafka keli ahaansho ee Axmed Godane ayaa waxaa si weyn uga carooday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” kaa oo sheegay in waxa dhibaatada heysata ay yihiin dad masaakiin ah, in dadka loo-gurmanayana ay yihiin dad aad u tabar daran, isagoo saraakiisha Al Shabaab weydiiyay sababaha uu Axmed Cabdi Godane uu u diidan yahay, in dad masaakiin ah loo-gurmado.
Waxaa la-soo sheegayaa in hadalo kul kulul ay isdhaafsadeen Amiirka Abuu Zubeyr iyo Abuu Mansuur , waxayna labada masuul ay isku noqdeen kuwo si weyn iskugu khilaafsan hawlaha samafalnimada.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.