Halkaan ka akhri
Antonio Guterres oo ah Madaxa Hay’adda UNHCR ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay wadahadal la galaan Xarakada Al Shabaab si loo caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan wadanka Soomaaliya.
Hay’adda Qaramada Midoobay arimaha Qaxootiga oo waraysi siiyay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday inay doonayaan heshiis iyo wada hadal ay la galaan Xarakada Al Shabaab iyo dhinacyada kale ee Soomaaliya si gar-gar loo gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhibaataysan Soomaaliya.
Madaxa Hay’adda UNHCR ee Qaramada Midoobay Mr. Guterres ayaa waxaa uu sheegay in dhamaan Hay’adaha gar-gaar ay doonayaan inay gaaraan gobolada Soomaaliya si loo badbaadiyo noloshada dadka Somaalida ah ee haaatan ay haysato xaaladaha bini’aadanimo ee aad u liidato ee ka jira dalka.
Madaxa Hay’adda UNCHR oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “ In gar-gaar la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan waa muhiim, mana laga gaabin karo in wada hadal iyo heshiis lala galo Al Shabaab maadaama ay ka taliyaan gobolo badan oo ku yaala Soomaaliya si amaanka Soomaaliya uu u noqdo mid lagu kalsoonaan karo, hadii aysan taasi dhicin waxaa adkaanaysa in la caawiyo dadka tabaalaysan”.
Hase yeeshee hadalka kasoo yeeray Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu ka dambeeyay markii maalmo ka hor Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Max’ud Raage (Cali Dheere) uu shaaciyay inay soo dhawaynayaan cid kasta oo diyaar u ah inay taageerto Umadda Soomaaliyeed ee gaajada u baaba’aya, haddii aysan laheyn ujeeddo gaar ah Hay’adaha sida uu hadalka u dhigay.
SomaliSwiss Nairobi
Filed under: Nairobi |
You must be logged in to post a comment.