Jaaliyadda Karanle ee ku dhaqan Soomaaliya oo taageertay Maamul Goboleedka Ceelbuur State.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Xaflad balaaran oo si heer sare ah loo agaasimay oo lagu taageerayay Maamul goboleedka Ceelbuur State, ayna ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku abtirsata Jaaliyadda Karanle ee ku dhaqan Soomaaliya,  sida Odayaasha dhaqanka, Haweenka, Aqoonyahanada, Dhalinyarada iyo siyaasiyiinta ayaa lagu qabtay Hotelka Ampasador ee magaalada Muqdisho.

Xafladaas oo lagu soo bandhigay waxyaabaha  ay hidaha iyo dhaqanka u leeyihiin dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulsgada reer Caalbuur,  ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay suugaan kala duwan, iyadoo Fanaaniin, Laashimiin iyo Barbaarta Gaashaaman ay dadka madadaalinayeen.

Gudoomiyaha Gudiga qabanqaabiyay xafladdaas lagu taageerayay  Ceelbuur State  C/laahi Yuusuf  ayaa  sheegay in jaaliyadda Karanle ku midaysan tahay Ceelbuur State, meel kasta oo ay joogaanba dal iyo dibad “waxaan cadeynaynaa in beeshu ku mideysan tahay iskuna raacsan tahay, isla markaana ay ka go’antahay dhismaha iyo dhamays tirka maamulka Ceelbuur state, kaasoo lagu ansixiyey shirweyne ay beeshu ku yeelatay 21/02/2011 magaaladan London ayna ka soo qeybgaleen,wakiilo ka kala socday Qeybaha kala duwan ee Jaaliyadaha beesha ee ku dhaqan qurbaha sida Mareykanka, Canada iyo wadamada Yurub qaarkood”  ayuu yiri C/laahi Yuusuf.

Xafladaas ayay sidoo kale ka soo qeyb galeen wakiilada maamulada wadanka ka jira iyo oday dhaqammedyada bulshada Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen kuwii goob joogayaasha ahaa; Gudoomiyaha dhaqanka Odayaasha beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo isagu aad ugu dheeraadey ka hadalka iyo lagama maarmaan nimada taageeridda maamulka Ceelbuur State. “waxaa badatay state, state, State belse Ceelbuur state la mid maaha state-yada la sheegay, waxayna leedahay taariiq soo jireen ah” ayuu yiri nabadoon Xaad oo halkaas ka jeediyay khudbad dheer.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: