Isu-duwaha xiriirka Bani’aadamnimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mark Bawden oo booqasho ku tegay gobolka Gedo.

Halkaan ka akhri

Waxaa shalay soo booqday Degmooyin ka tirsan gobolka Gedo isu-duwaha xiriirka Bani’aadamnimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mark Bawden sidaas waxaa  shaaca ka qaaday  Maamulka gobolkaas.

Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa u  sheegay Warbaahinta in wafigii uu hoggaaminyay Bowden uu komeerka ay ku yimaadeen gobolka, waxayna uga warbixiyeen xaaladda bini’adanimo ee ka taagan halkaasi iyo heerka ay gaarsiisan tahay abaarta ku dhufay gobolka Gedo.

Sidoo kale guddoomiyaha waxa uu sheegay in Madaxa wafdigu u sheegay in si deg deg ah ay uga soo jawaabi doonaan codsigooda oo ay soo gaarsiin doonaan gurmad sida uga dhaqsiyaha badan.

Dhanka  kale Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in 8dii bishan ay kulamo la qaateen qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka si gobolka Gedo oo idil looga bilaabo gaargaar cunna qaybin ah kaddib markii ay sii korortay saameynta abaarta ee halkaasi ka jirta.

SomaliSwiss     Doolow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: