Advertisements

Xarunta Qaramada Midoobay ee dalka Switzerland oo uu ka dhacay kulan looga hadlayey xaalada bani’aadinimada dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva ayaa waxaa ka dhacay kulan looga hadlayay xaalada bani’aadinimo ee ka siidarysa oo iminka ka taagan dalka Soomaaliya, kulankan ayaa walaac xoogan looga muujiyay dhibaatada ka sii daraysa ee ay wajahayaan qoysas dan yar ah oo aad u badan, kuwaas oo abaaro iyo colaado isbiirsaday ay ku dhufteen gudaha iyo wadamada deriska la ah dalka Soomaaliya .

Hase yeeshee kulanka ayaa looga arrinsaday waxa laga yeelayo, hadal dhowaan ka soo yeeray kooxda Maleeshiyada Al-Shabaab oo ku aadanaa in cidkasta oo gargaar u fidin karta dadka dhibaatadu ku heysato meelwalboo ay joogaan ay soo dhoweynayaan.

Sidoo kale Afhayeenka hay’adda UNHCR Melesa Felemin ayaa waxay sheegtay in loo baahan yahay damaanad qaad buuxa oo ku aadan hadalkii kooxda Al-Shabaab ka soo yeeray, waxayna sheegtay in heya’adaha gargaarka ay aad usoo dhoweynayaan in gargaar loo fidiyo dadka dhibaatada la daalaa dhacaya hase ahaatee aan kooxda Al-Shabaab leysku aamini karin, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Waxaa ay sheegeen kooxda Al-Shabaab in horay looga bartay dilka saraakiisha hey’adaha  gargaarka iyo lacago baad ah oo si joogta ah ay hey‘adaha uga qaadi jireen, taasoo keentay in hey’adaha iyo dadka sama falka ka shaqeynaya ay isaga cararaan goobaha ay Al-Shabaab gacanta ku heyso.

Dhanka kale dad badan oo uu gargaarku gaari jiray ayaa dhibaato aad u badan ay soo wajahday, waxaana intaas u sii dheeraaday  markii kooxda Al-Shabaab ay billaabeen in ay dadka ka aruuriyaan bil kasta xoolo ay ugu yeereen in ay seko yihiin oo ay siinayaan maleeshiyaadkooda u dagaalama.

Balse lama oga waxa haatan soo dedejiyay hadalka kooxda Al-Shabaab, hase ahaatee dad badan ayaa aaminsan in meesha uu ka baxay baadihii ay dadka ka qaadi jireen iyo dadkii oo billaabay in ay ka hayaamaan gobolada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

SomaliSwiss    Genevra

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: