HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
Madaxweyne Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa magaalada Addis-ababa ee dalka Ethiopia waxaa uu kula kulmay wasiirka arrimaha dibeda ee dalka Ingiriiska oo socdaal ku joogay wadanka Ethiopia.
Madaxweyne Mudane Siilaanyo oo ku guda jira Safarkiisa uu ku maraayo wadamada Ethiopia, South Sudan oo uu ka degay isla maanta 09/July/2011 ayaa kulan waxaa uu la yeeshay intaanu ka dhoofin dalka Ethiopia Wasiirka Arrimaha Debeda ee Britain oo bookhasho ku yimid dalka Ethiopia.
Kulanka madaxweyne Siilaanyo iyo William Hague ayaa waxaa uu ku saleysnaa cilaaqaadka ka dhaxeeya dalka Ingiriiska iyo Soomaaliland, iyagoona ka wada hadlay arrimo la xiriira gooni isu taaga Somaliland iyo sidii loo horumarin lahaa ganacsiga labada dal ka dhaxeeya.
SomaliSwiss Addis Abeba
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Addis Abeba |