Madaxweyne Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo oo goordhow gaaray garoonka diyaaradaha ee koonfurta Sudan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda Kmg Soomaaliya Sheikh Shariif  sh. Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxay goordhow gaareen Koonfurta dalka Sudan gaar ahaan caasimada Wadankaasi cusub ee maanta ka go’aysa Sudan intiisa kale.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiiraka arrimaha dibadda Maxamed C/laahi Omar, wasiirka warfaafinta iyo boostada iyo isgaarsiinta mudane C/kariim Xasan Jaamac, xildhimaan Sh. Adan madoobe, Prof. Maxamed Cumar Dhalxa, Yuusuf Cali Caynte iyo Agaasimaha guud ee Nabad sugidda Qaranka Axmed Macain Fiqi.

Sidoo kale Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha ee konfurta Suudan Deng Alor, masuuliyiin iyo dadweyne aad u faro badan.

 Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa saakay aroornimadii hore dalka ka dhoofay, waxaana socdaalka Madaxaweynaha la sheegayaa inuu la xariiro sidii uu uga qeyb geli lahaa munaasabadda gooni isu taagga Koofurta wadanka Suudaan si uu halkaasi ugu qaybgalo munaasabad balaaran oo halkaasi ka dhacaysa.

Dhanka kale Madaxweyne Shariif ayaa casuumaad ka helay madaxda wadanka cusub ee dalka Suudaan ka go’ay oo lagu magacaabo Koofurta wadanka Suudaan, waxaana la filayaa in sidoo kale marka uu Madaxweynaha Soomaaliyatago madasha goobta ay ka dhaceyso munaasabadda ku dhawaaqista madax bannaanida aad ku heysto wadanka Suudaan.

Hase yeeshee waxaa Munaasabadan lagu casumay inay ka soo qayb galaan Madaxweynayaal ka kala socda wadamada Afrika, kuwaas oo la filayaa inay maanta soo gaaraan Koofurta wadanka Suudaan, si ay goobjoog uga noqdaan ku dhawaaqista wadanka cusub ee K/wadanka Suudaan.

SomaliSwiss    Jubba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: