Advertisements

Xildhibaan Aadan Madoobe oo caddeeyey in aan la aamini karin Al-Shabaab oo horay u bililiqeystay Hay’adihii wadanka joogay.

Halkaan ka akhri

Xildhibaan Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo ahaan jiray Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeeray mid ka mid ah afhayeenada xarakada Al-Shabaab oo hay‘adaha samafalka u fasaxeen inay gurmad bani’aadaminimo la soo gaaraan dadka ay saameeyeen abaaraha wadanka ku dhuftay.

Sidoo kale Xildhibaan Sheikh Aadan Madoobe wuxuu sheegay in hadalka Al-Shabaab ka soo yeeray ee hay’adaha samafalka ugu fasaxeen inay caawiyaan dadka degan goobaha ay ku sugan yihiin aanu ahayn mid ay daacad ka yihiin, waayo buu yiri Xildhibaanka kooxda Al-Shabaab ma aha go’aankaasi mid keeni kara kalsooni ay ku qabaan hay’adaha samafalka inay dib ugu soo laabtaan dalka isla markaana ay u gurmadaan dadka ku dhibaateysan goobaha ay Shabaabku ka taliyaan.

Sheikh Aadan Madoobe oo dalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Yaa isku aaminaya Al-Shabaab oo shalay bililiqeystay hay’adihii wadanka joogay shaqaalahoodana dilay, dalkana ka eriyay” wuxuuna si caddaan ah u sheegay in haddii Al-Shabaab ay leeyihiin damiir bani’aadaminimo aysan dadka ka hor istaagin inay u soo gudbaan meelaha ay ka heli karaan raashin ay nafta ku ceshadaan.

Wuxuu kaloo aadan Madoobe sheegay in kooxda Al-Shabaab aanay Gaalo la dagaalsaneyn sida ay sheegaan, wuxuuna Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe tilmaamay in ragga iyaga ka tirsan caruurtooda ay degan yihiin wadamada Gaalada, wuxuuna sheegay sidoo kale in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka yimid wadamada Gaalada oo sida uu sheegay ay tashkiiliyeen ajaanibta ururka Al-Qaacida ay isku qarxiyaan dalka gudihiisa.

Xildhibaanku uu hadalkiisa ku daray ee uu yiri: “Shabaab waa beentood inay Gaalo la dirirayaan, waxay ka dagaalsan yihiin Islaamka” taasoo uu sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u adeegsadaan sidii ay u dili lahaayeen walaadiintooda iyo eheladooda, wuxuuna tilmaamay in fikirka qaldan ee dalka geliyay dhibaatada uu ka yimid ururka Al-Qaacida.

Balse Xildhibaan Aadan Madoobe wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya ay soo mareen xilliyo abaaro oo kala duwan, kuwaasi oo uu sheegay in mar kasta oo xaaladaasi ay dhacdo loo gurman jiray dadkana ay heli jireen mucaawinooyin iyo samatabixin ay ka helaan Soomaalida iyo hay’adaha samafalka.

Ugu danbeyntii Xildhibaan Aadan Madoobe wuxuu yiri: “Shabaabka cunaqabateynta ay ku hayaan shacabka ayaa noqday mid ka sii daran abaarta maanta dalka ka jirta, iyaga ayaana mas’uul ka ah dadka gaajada u dhimanaya” wuxuuna Xildhibaanku ku eedeeyay  Al-Shabaab inay dalka ka eriyeen hay’adaha samafalka, kaddibna dadka u diiday inay raashin iyo calafka xoolaha soo iibsadaan, bacdamaa ay ku habsatay abaar iyo roob la’aan labadii sano ee u dambeysay.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: