Advertisements

Ra’isal wasaare C/wali Maxamed Cali oo ka degay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Halkaan ka akhri

R/wasaaraha dowladda FKMG Somaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna  kulamo la qaadan doona saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya waddanka Kenya Maxamed Cali Nuur “Ameeriko”  ayaa sheegay in R/wasaarahu uu si nabad ah ku gaaray Kenya, isagoo maanta iyo berri la kulmi doona masuuliyiin uu ka mid yahay ergayga gaarka ah ee Xog-hayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr.  Mahiga iyo xubno kale.

Sidoo kale R/wasaaraha ayaa la kulmi doona Hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay sida WFP, UN OCHA iyo kuwa kale, kuwaas oo uu kala hadli doono sida dadka Soomaaliyeed gargaar bani’aadamnimo oo deg deg ah loo gaarsiin lahaa.

Dhanka kale Danjire Ameeriko ayaa sheegay in R/wasaaruhu uu kulamada intooda badan uga hadli doono xaaladda dalku uu marayo iyo kaalinta caalamka looga baahan yahay in ay ka qaataan badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada abaaraha iyo dagaalladu isugu darsameen.

Sida la sheegay Safarka  R/wasaaraha ayaa qaadan doona laba maalin, waana kii ugu horreeyay ee R/wasaare Dr. C/wali uu ku tago dalka dibaddiisa tan iyo markii loo magacaabay xilka wasiir koowaad ee dalka.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: