Advertisements

Mareykanka oo ka Shiraaya arrimo la xiriiro gargaarka, amaanka & Siyaasadda dalka Somalia.

Halkaan ka akhri

Waxaa Magaalada Washington ee xarunta dalka Maraykanka Shir uga furmay  madax ka tirsan waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka Congresska dalka Maraykanka iyo hay’adda dhinaca gar gaarka iyo hormarinta u qaabilsan Maraykanka ee USAID kuna saabsanaa arrimaha amaanka iyo siyaasadda Soomaaliya.

Sidoo kale Xubnihii ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in xilligaan Soomaaliya xaaladeedu ay meel adag marayso marka loo fiiryo siyaad ahaan amni ahaan iyo bini’aadanimoba.

Johnny Carson oo ah Kaaliyaha xog’hayaha arrimaha dibbadda dalka Mareykanka ee dhinaca Africa ayaa kulankaasi ka hadlay wuxuu sheegay in marka loo eego dhanka amaanka ay Soomaaliya u baahan tahay in laga caawiyo dhanka tababarada ciidamada dawlada iyo gacan siinta ciidamada midawga Africa ka socda ee AMISOM oo xiligaan wajahaya dagaal ay kula jiraan Xarakadda Al-Shabab.

Kaaliyuhu wuxuu xusay inay jirto dhibaato xagga amaanka ah oo ay wadaan Xarakada Al-Shabab oo qal qal ku hayso amaanka gobolka geeska Africa iyo meelo ka baxsan Soomaaliya.

Dhanka kale Mr. Smith oo kulankaasi xiriirinayay ayaa sheegay in Xarakadda Al-Shabab loo adeegsaday inay qaraxyo iskugu jira ismiidamin iyo kuwa meelaha fog fog laga hago u adegsatay sidii loo dili lahaa muwaadiniin Soomaali ah waxaana uu sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay bartamaha iyo koofurta Soomaaliya ay ka jirtay dhibaatooyin siyaasideed oo keenay inay naftooda waayaan dad ka badan 22, 000 oo ruux Hal milyan oo kalena ay barakacdo halka in ka badan 476,000 oo kalena ay xaduudaha ka gudbeen oo ay wadamada dariska ah qaxooti ku yihiin.

MR.Smith wuxuu sheegay in Shababku ay haatan halistooda Soomaaliya ka gudubtay oo ay gaartay wadamada Soomaaliya dariska la ah waxaana dhanka kale sheegay inuu jiro rag ka tirsan Al-Qacida oo qubaro ku ah farsamaynta waxyaabaha qarxa oo Al-Shabab la jooga iyo rag kale oo wata baasabooro Ajanabi ah oo Soomaaliya jooga lana safan Al-Shabab.

Sida la sheegay Kulankaan oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen xubno Senate ka Maraykanka ka tirsan  ayaa waxaa lagu soo qaaday in amaan xumida Soomaaliya ka jirta ay ka mid yihiin falalka  ay geystaan koxaha burcad badeeda Soomaaliyeed oo lagu sheegay inay iyana geystaan dhibaatooyin bini’aadanimada ka baxsan qeybna ka yihiin amaan xumida geeska Africa ka jirta gaar ahaan Soomaaliya.

Madax ka tirsan hay’adda gar gaarka Maraykanka ee USAID ayaa sheegay in xilligaan ay Soomaaliya ka jiraan abaaro kuwii ugu xumaa muddo 60 sano ah taasina waxay keentay in dad badan ay xoolo beelaan kadibna ay naftu ku qasabtay inay deegaanadooda ka hayaamaan.

gGabagabadii kulankaasi waxaa laga soo saaray Bayaan sheegaya in xukuumadda KMG ee Soomaaliya ay u baahan tahay in la gacan siiyo iyadoo laga sii amaba qaadayo hirgalinta go’aanadii hishiiskii Kampala ee ay bilawgii bishii hore ku wada saxiixeen M/weynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Wargeysada ka soo baxa dalka Maraykanka oo ka faaloodeen arriimaha siyaasadda dibbadda ayaa waxay lagu qoreen in Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada guul daraystay ama fashilmay marka loo fiiriyo amaanka iyo siyaasadda.

SomaliSwiss     Washington

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: