Advertisements

Laba Shariif oo mar kale bilaabay in ay ku dul hardamaan Shacabka dhibaataysan.

WARBIXIN XASAASI AH

undefinedHalkaan ka akhri

Khilaaf weyn oo salka ku haya magacaabista golaha wasiirada ayaa soo kala dhexgalay madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo gudoomiyaha barlamanka Shariif Sakiin.

Sida somaliSwiss ay u xaqiijiyeen masuuliyiin ku dhow dhow Labada Shariif oo diiday in magacooda la sheego, maanta gelinkii hore ayaa khilaaf ku aadan magacaabista golaha wasiirada waxaa uu soo kala dhexgalay Labada Shariif oo maalmihii u dambeeyay ku soo caanbaxay khilaafka iyo isjiid jiidka ka dhaxeeya ee Madaxweyne Shariif iyo Gudoomiyaha Barlamanka Shariif Sakiin.

Khilaafka ayaa yimid kadib markii sida la sheegay la meel marin waayay wasiiro uu dalbaday Shariif Sakiin, kuwaasi oo kala ah; Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka, Wasiirka Arrimaha Haweenka, Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka iyo Dekadaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga.

Madaxweynaha dowladda KMG iyo Ra’isul wasaaraha ayaa la sheegay in qeybo ka mid ah wasaaradahaasi ay u ogolaadeen in loo magacaabo dadka uu wato, balse waxay ka caga jiideen wasiirada gaashaandhiga, Maaliyadda iyo arimaha qoyska oo la doonayo in lagu celiyo wasiirada haatan xilalkaasi haya ama rag hore shaqada ula socday.

Markii Arrintaasi laysla meel dhigi waayay ayuu bilowday khilaafka u dhaxeeya labada Shariif, waxaana taasi keentay in dib loo dhigo magacaabista golaha wasiirada cusub oo lagu waday in lagu dhawaaqo maanta.

SomaliSwiss Muqdisho.
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: