Advertisements

UNHCR oo ka codsatay Caalamka in gar gaar lala gaaro qaxootiga Soomaaliya ee ku jira xeryaha Kenya iyo Ethiopia.

Halkaan ka akhri

Antonio Guterres oo ah Madaxa ugu sareeya hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka qaxootiga ee UNHCR ayaa booqasho 4 cisho ah ku maraya xeryaha qaxootiga Soomaaliyeed ku jiraan ee  ku yaala wadamada Kenya iyo Ethiopia ayaa dalbaday in gurmad deg deg ah lala gaaro qaxootiga Soomaaliyeed ee naftooda kala cararay dhibaatada Soomaaliya ka jirta.

Sidoo kale Mr. Guterres oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in xeryaha uu socodka ku marayo uu ku arkay dhibaato bini’aadanimo tii ugu darneyd waxaana uu xusay in 50% caruurta Soomaaliyee ee lagala cararay Soomaaliya ay haysato xaalad macaluul iyo nafaqo darro ah taasoo ay sababtay ayuu yiri colaadaha iyo abaaraha wadanka ka jira.

Hase yeeshee Mr.  Antonio Guterres wuxuu xusay in xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo ku taala gobolka waqooyi bari dalka Kenya uu arkay dad tiradoodu ka badan tahay (380,000 Sadex boqol iyo Sideetan kun) oo ruux kuwaasoo badankood ay  dhawaan tageen xeradaas waxaana uu intaa ku daray in dadkaasi ay u baahan yihiin in gar gaar deg deg ah lala gaaro.

Qoorshaha Madaxa UNHCR Mr.  Antonio Guterres ayaa lagu wadaa inuu lugta soo mariyo dhawr xero oo ay qaxootiga Soomaaliyeed ku jiraan kadibna uu u gudbo xeryo ku yaala dhanka dalka Ethiopia  oo lagu magacaabo Bokolmaanyo iyo Malkadida bal si uu u soo indho indheeyo xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee xeryahaas ku jira oo tiradooda lagu qiyaasay wax ka badan 70,000.

Si kasta ha ahaatee Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in bishii June ee sanadkaan ay xaduudaha ka gudbeen in ka badan 54,000 o qaxoti Soomaali ah kuwaasoo gaaray wadamada dariska ah.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: