Advertisements

Xiriiriyaha Bini’aadanimada Qaramada Midoobay oo si weyn u soo dhaweysay hadalkii ka soo yeeray Xarakada Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Xiriiriyaha Bini’aadanimada Qaramada Midoobay Mark Bowden  ayaa si weyn u soo dhaweysay hadalkii ka soo yeeray Xarakada Al-Shabaab  oo ku saabsanaa inay fasaxeen Hay’adaha Samafalka, islamarkaana dadka tabaalaysan ay u keeni karaan wixii gar gaar ah oo ay u heli karaan.

Xiriiriye Mark Bowden  ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku adaan dadka barakacayaasha Soomaaliya ee dhibaatada heysato iyo sidii ay gargaar ku gaar siin lahaayeen.

Sidoo kale Xiriiriyaha wuxuu sheegay in hadalka ka soo yeeray xarakada Al-Shabaab ee ah in Hay’adaha Samafalka ka howlgeli karaan dalka meesha ay doonayaan, islamarkaana aysan jirin wax shuruud ah oo arrintaasi ku xiran.

Xiriiriyaha arrimaha Bini’aadanimada QM Mark Bowden oo ka hadlayey sida Al-Shabaab loo aamini karo hadalkooda, islamarkaana loo tegi karo goobaha ay ka howlgalaan Shabaabka, wuxuuna sheegay inay shabaabka horay u balan qaadeen ammaanka Hay’adaha Samafalka.

Mark Bowden waxaa uu sheegay in uu booqasho ku tagay xeryaha dadka Soomaalida ay qaxootiga ku yihiin ee ku yaala dalka Kenya, waxaana uu tilmaamay in xeeryahaasi ay ka jirto dhibaato loona baahan yahay in la gar gaaro dad halkaasi ku sugan.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hormail.com

Advertisements
%d bloggers like this: