Advertisements

Shariif Sakiin oo laga fujin waayay Wasaarado u badan kuwa hadda ay dhaqaalaha kasoo xeroodaan.

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Sakiin ayaa ku dhegay dhowr wasaaradood oo uu jeclaaday, kuwaas oo u badan kuwa wax soo saarka leh xilligaan lagu jiro ee dhaqaaluhu ka soo xeroodaan.

Shariif Xasan oo laga diiday in badan oo ka mid ah, nimankii saxiibdiis ahaa ee uu wasiirada u rabay, markii la eegay xukunka 4.5 ayaa taas bedelkeeda ku dheggan; Wasaaradaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, cirka iyo Dhulka, Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo la sheegay in xubno uu u soo xushay.

Wararkii ugu dambeeyay ee SomaliSwiss goor dhow ka heshay Muqdisho ayaa sheegaya in xeer jajab badan ka dib wax badan laysla meel dhigay, isla markaana ay macquul tahay in Maanta lagu dhawaaqo golaha Wasiirada.

SomaliSwiss Muqdisho.

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: