Advertisements

Ururada Samafalka oo dardar geliyey sidii loo gargaari lahaa Barakacayaasha Abaaraha.

Halkaan ka akhri

Hay’adaha Dowladda iyo Ururrada Samafalada oo dardar geliyey sidii loo gargaari lahaa Barakacayaasha Abaaraha

Hay’ad Islaami ah

Waxaa maanta deeq  gaarsiisay dadka barakacayaasha ah ee ku sugan degmooyinka Hodon iyo Waaberi ee magaalada Muqdisho Hay’adda IICO.

Sida la sheegay deedaan ayaa waxay isugu  jirtay Bur, Bariis, Timir iyo Saliid ayaa loo qeybiyay qoysas barakacayaal ah oo ku jira Xero ku taalla xaafadda Taleex ee degmada Hodon iyo qeybo ka mid ah degmada Waaberi.

Mudane Cali Axmed Guure oo ah Ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka qeyb galay deeq qeybinta ayaa u mahad celiyay hay’addaan, wuxuuna sheegay in xaalad adag ay ku jiraan, taas oo sababeysa in dad badan ay u dhintaan macluul.

Sidoo kale Ku simaha guddoomiyaha wuxuu sheegay in dowladda dhexe iyo maamulka gobolka Banaadir ay waajib ku tahay in ay caawiyaan dadkaan ka soo barakacay cunaqabateynta ay Shabaab ku hayaan iyo abaaraha ka dhacay waddanka.

Mudane Guure ayaa sheegay in dowladda ay waajib ku tahay in ay dadka ka xureyso maleeshiyaadka u diiday in ay nabad ku noolaadaan ayna helaan gargaar bani’aadamnimo, kuwaas oo haddana hor istaagay dadkii doonayay in ay ka cararaan deegaanada ay cunaqabateeyeen ee abaaruhuna ku dhifteen.

Dhanka kale Wasiiru-dowladaha wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamuud Sheekh Xasan Akhi ayaa isaguna ka hadlay goobta raashinkaan lagu qeybinayay ayaa sheegay in saacad kasta ay dhimanayaan dad Soomaaliyeed, isla markaana ay jiraan dhibaatooyin caafimaad darro ay sababtay oo heysata carruurta Soomaaliyeed.

Ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir Dr. Akhi ayaa hay’adaha kale ugu baaqay in ay ku daydaan hay’addaan oo ay kaalmo la soo gaaraan dadka Soomaaliyeed, wuxuu tilmaamay in ay aqbalaan baaqii madaxda dowladda ee ahaa in gargaar deg deg ah la soo gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku hayaan caasimadda iyo gobollada dalka.

Xildhibaano deeq gaarsiiyay barakacayaasha

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka KMG Soomaaliya ayaa waxay manta gaarsiiyeen lacag dhan 100 milyan oo Sh. So ah dad soo barakacay oo ku sugan xeryaha magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Axmed C/llaahi Fanax oo ka mid ahaa xildhibaanadii deeqda gaarisiiyay dad ka mid ah barakacayaasha ayaa sheegay in deeqdaan ay iska soo uruuriyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay in ay sii wadi doonaan dadaalkaan lagu caawinayo dadka ay abaartu saameysay.

Xildhibaan Fanax ayaa sheegay in tallaabada ay labaad ee ay qaadayaan ay noqon doonto in raashin bisil la siiyo dadka si joogto ah, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan badbaadinta dadka.

Sidoo kale Xildhibaano maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray baaq ku wajahan dadka Soomaaliyeed iyo madaxda dowladda kaas oo xoojinaya in dadka Soomaaliyeed ay helaan gargaar bani’aadamnimo.

Hasew yeeshee Baaqaan ayaa wuxuu ka koobnaa 3 qodob oo lagu codsaday in qoysaska Soomaaliyeed ay biilkooda maalinlaha ah wax uga qoondeeyaan dadka soo barakacay si ay bulshadu u wada badbaado, Madaxda dowladda ayaa lagu amaanay kaalinta ay ka qaateen caawinta dadka soo barakacay, ayadoo beesha caalamka loogu baaqay in ay gargaar deg deg ah soo gaarsiiyaan dadka ku dhibaateysan gobollada dalka iyo magaalada Muqdisho.

Jaamacadda Simad oo Barakacayaasha gargaar siisay

Jaamacadda Simad ayaa maanta deeq raashin ah gaarsiisay dadka barakacayaasha ah ee ku sugan dhismihii hore ee Dahablaha ee degmada Xamarweyne.

C/qaadir Cumar oo ka mid ah maamulka Jaamacadda ayaa sheegay in ardayda iyo macallimiintu ay iska soo uruuriyeen deeqdaan oo la siiyay qoysas badan oo ku sugan meel bannaan oo ka tirsan Xamarweyne.

Wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka maarmi karaan caawinaad dibadda ah haddii ay u istaagaan sidii ay ayagu isu caawin lahaayeen, wuxuuna ganacsatada Soomaaliyeed iyo dadka wax heysta ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan taakuleynta dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Ardayda wax ka barata magaalada, Shaqaalaha dowladda, bulsahda magaalada, ganacsatada iyo dowladda FKMG ah ayaa u istaagay sidii loo badbaadin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ay saameeyeen, kuwaas oo maalin kasta ayagoo aan heysan waxna soo gelaya magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hormail.com

Advertisements
%d bloggers like this: